Degdeg: Weerar Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Xaafad Ku Taalla Magaalada Muqdisho!

0
619

Muqdisho, August 10, 2020- (Foore)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Rag hubeysan oo weerar ku qaaday fadhiismo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Xaafad ka tirsan Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

Dadka goob joog ah oo ku sugnaa Hiilwaa ayaa sheegay in xalay fiidkii hore ay maqleen dhawaqa rasaas xoogan oo la isku dhaafsaday fadhiisimo Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa, wallow markii damb ay si iskeed ah rasaasta u joogsatay. Weerarkaasi oo ahaa mid aad u culus oo rasaas xoog leh la isku waydaarsaday.

Intaas kadib ragii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday ayaa la tilmaamay inay goobta ka baxsadeen, isla markaana waxaa la sheegay in weerarkaas uu ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in xalay weerarka ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ay ku dileen Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska, halka laba kalena ay ku dhaawaceen.

Dhinaca kale majiro weli wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kaga hadlayaan weerarkii xalay ka dhacay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here