Akhri: Somaliland Oo Joojisay Qalab Kasoo Degi Jiray Dekedda Berbera

0
793

Hargeysa, August 10, 2020- (CE)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay Amar lagu joojiyay in Qalabka kala duwan ee loo adeegsado bixinta adeegyada Isgaadhsiinta lasoo geliyo deegaanada Maamulkaas, illaa iyo Amar-dambe.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Cabdiweli Suufi Jibriil ayaa lagu shaacisay in laga bilaabo 15-ka bishan Ogos aan Somaliland laga soo dejin karin dhammaan qalabka Isgaadhsiinta.

Sidoo kale Qoraalka Wasiir Cabdiweli Suufi Jibriil ayaa waxaa lagu war geliyey Hay’addaha ay khuseyso howsha Isgaadhsiintu inay Wasaaradda kala shaqeeyan fulinta Amarka la soo saaray oo aanay xukuumaddu ogolayn in la iska soo jediyo sidii hore.

Amarka lagu joojiyay soo dejinta qalabka Isgaadhsiinta ee Somaliland ayaa waxaa la Ogeysiiyay dhammaan Ganacsatada iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo waliba laamo kale oo dawladda ah oo ay ka mid tahay Madaxtooyada Somaliland.

Hoos ka Akhriso Amarka uu soo saaray Wasiir Cabdiweli Suufi Jibriil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here