Beirut, August 9, 2020- (Foore)- Xaaladda Magaalada Dhibaataysan ee Bayruut caasimadda waddanka Lubnaan ayaa saaka deggan kadib markii shalay galab illaa xalay fiidkii dibad baxyo culus oo dhiig ku daatay ka dhacayeen taasi oo ay ku dhaawacmeen in ku dhaw 200 oo dibad baxe halka uu ku geeriyooday sarkaal ka tirsanaa ciidamada Boolisku.
Dadka ku mudaharaadaya caasimadda Beyruut waxa ay shalay maqribkii galeen wasaarado ay dowladda leedahay oo ay ka mid ahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo tan Arrimaha Gudaha, xilli ay sii xoogeysanayaan rabshadaha salka ku haya qaraxii weynaa ee Salaadadii magaaladaasi ku dilay in ka badan 158 qof.
Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo weliba rasaas u adeegsaday dibedbaxayaasha, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay Fagaaraha Shuhadada.
Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, Xasan Diyaab, oo telefishinka kala hadlay shacabkiisa, ayaa sheegay inuu codsan doono doorasho baarlamaan oo xilligeeda laga soo hormariyay si looga gudbo xiisadda taagan.
Qaar badan oo kamid ah shacabka Lubnaan ayaa ka caraysan sida looga hortagi waayay qaraxa oo ka dhashay makhaasiin lagu keydiyay kumannaan tan oo ah maadada qaraxda ee ammonium nitrate.
Maadadaasi ayaa laga dejiyay markab dekadda Beyrut ku soo xirtay lix sano ka hor. Dowladda ayaa wacad ku martay inay la xisaabtami doonto kuwa mas’uulka ka ahaa dayacaaddaasi.