Bayer Munich Oo Xalay Karbaashtay Chelsea Digniin Culusna U Dirtay Barcelona

0
701

Munchen, August 9, 2020- (Foore)- Kooxda kubadda cagta waddanka Jarmalka ee Bayern Munich ayaa sidii la filayay iska xaadirsay wareegga sifdeed dhamaadka Champions League ka dib markii ay xalay 4-1 uga badiyeen Chelsea iyagoo wadar ahaan ku garaacay Blues 7-1 maadaama ay 3-0 ku soo badiyeen lugtii hore ee Stamford Bridge ka dhacday.

Kooxda Bayern Munich ayaa wareega siddeed dhamaadka ku balansatay Barcelona oo iyaguna ka soo tallaabsaday kooxda Napoli kulankii xalay ka dhacay Spain.

Robert Lewandowski ayaa rikoodh dhigay isagoo noqday xiddigii ugu horeeyay ee Bayern Munich ee 13 gool ka dhaliya hal ciyaareed Champions League isaga ayaana hogaaminaya gooldhalinta Champions League.

Lewandowski ayaa sidoo kale ceebeeyay Blues oo iska qaban weyday madaama uu dhaliyay ama caawiye ka noqday todobada gool ee ay Bayern Munich ku xasuuqday Chelsea labada lug ee wareega 16ka. Seddex gool uu dhaliyay afar iyo caawin

Todoba daqiiqo ayay ku qaadatay kooxdii martida loo ahaa ee Bayern Munich inay fursad u hesho qabashada hogaanka ciyaarta markii rigoore loo dhigay iyadoo goolhaye Caballero uu cagta ka qabtay Lewandowski. Markii hore waxaa la moodayay offside laakiin Emerson ayaa offside-ka ka saaray Lewandowski.

Waxaa rigoorada u soo istaagay isla Robert Lewandowski oo hogaaminaya gooldhalinta Champions League isagoo gool u sarifay islamarkaana hogaanka u dhiibay Bayern Munich.

expanded thumbnail

Bayern Munich ayaa si raaxo leh ku dheereysatay hogaanka ciyaarta daqiiqadii 24aad iyadoo Lewandowski uu kubadda u dhigay Perisic kaasoo ku guuleystay inuu si sahlan ku dabmariyo goolhaye Caballero.

Afar daqiiqo ka dib Chelsea ayaa shabaqa soo taabatay iyadoo uu gool u saxiixay Odson-Hodoi laakiin goolkaas waxaa diiday VAR oo xukmisay inuu offside ahaa.

dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 44aad ayay Chelsea si rasmi ah gool u soo ceshatay iyadoo karoos uu soo dhigay Emerson uu soo bixiyay goolhaye Neuer kaasoo kubada hor dhigay weeraryahan Abraham oo shabaqa ku taabtay, waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay Bayern Munich ku hogaamineysay ciyaarta.

Inta badan qeybtii labaad ciyaarta waxay aheyd mid isku dheelitiran laakiin waxaa daqiiqadii 76aad hurdo u diray Tolisso kaasoo aamini waayay nasiibkiisa booska uu helay ee uu ku dhaliyay goolka seddexaad.

Lewadowski ayaa kubad ka soo dhigay garabka bidix iyadoo Tolisso uu si sahlan ku garab maray Emerson iyo Zouma, wuxuuna ku guuleystay inuu kubada dabmariyo goolhaye Caballero oo kubada taabtay.

Lewandowski ayaa caawintiisa u bedelay gool daqiiqadii 84aad isagoo ciyaarta ka dhigay 4-1. Lewandowski ayaa dhaliyay ama caawiye ka noqday dhamaan todobadii gool ee ay Bayern Munich ka dhalisay Chelsea wareegaan 16ka.

Waxay ciyaartaasina ku soo dhamaatay 4-1 oo ay Bayern Munich ku xaaqday Chelsea iyagoo wadar ahaan ku badiyay 7-1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here