Barcelona, August 09, 2020 – (Foore)- Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xalay iska xaadirisay wareegga siddeeda ee tartanka Champions League kaddib markii ay 3-1 ku garaacday Napoli oo marti ugu ahayd Camp Nou, waxaana guusha siisay Blaugrana xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi oo gool qurux badan dhaliyey, mid kalena rikoodh lagu galay.
Messi ayaa burburiyey qorshihii ciyaareed ee uu lasoo shir-tegay Gennaro Gattuso oo bilowgii hore culays saaray Barcelona, laakiin kooxda reer Spain ayaa jiibta isla helay inyar kaddib, waxaana farqiga sameeyey kabtanka reer Argentine oo dunida u sheegay in meesha uu isagu joogo aanay kooxdiisu ku dhibaatoonayn.
Guushan ayaa waxay Barcelona siisay rikoodh weyn oo ay xataa adag tahay in la helo koox soo qabata, waxaanay sannadkii 13aad oo xidhiidh ah u gudubtay wareegga siddeed ee tartanka Champions League.
Kooxda reer Catalonia waxay si joogto ah u imanaysay wareegga siddeeda tan iyo xilli ciyaareedkii 2006/07, markaas oo Lionel Messi uu ahaa da’yar ay kubaddiisu soo baxaysay, laakiin ay kooxda hoggaaminayeen ruug-caddaayadii Xavi Hernandez, Ronaldinho, Samuel Eto’o, Guilly, Deco iyo xiddigo kale.
Marka laga bilaabo waqtigaas, waxay Barcelona uga dhigan tahay in 13 jeer oo xidhiidh ah ay ka mid noqdeen siddeedda kooxood ee ugu dambeeya, saddex jeerna ay illaa waqtigaas koobka qaadeen.
Ma jirto koox kale oo wareegga siddeeda iska xaadirisay wax ka badan siddeed jeer oo xidhiidh ah, waxaana kaliya rikoodhkani khaas u yahay Barcelona oo mar kale sii dheeraysatay rikoodhkan.
Jimcaha ayay Barcelona wareegga semi-finalka la ciyaari doontaa Bayern Munich iyagoo isku haleeli doona magaalada Lisbon, August 14, waxaanay labadan kooxood yihiin naadiyada loo saadaalinayo inay koobka qaadan doonaan.