Alshabaab Oo Madaafiic Ku Garaacday Saldhig Ay Leeyihiin Ciidamada Dalka Soomaaliya

0
610

Garbahaaray, August 9, 2020- (Foore)- Kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa xalay weerar culus waxa ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ay Magaalada Garbahaaray ee Xarunta Gobolka GEDO ku leeyihiin ciidamada dalka Soomaaliya kaasi oo khasaare dhaliyay.

Saldhiggan oo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa xalay lagu qaaday weerar loo adeegsaday Madaafiic, kuwaasi oo jugtooda laga maqlayay gudaha Magaalada iyo hareeraheedaba.

Xubno hubeysan oo la rumeysan inay ka tirsan yihiin xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay  in weerarkaas ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Dawladda ee Garbahaarey, iyadoo dhowr madfac la xusay in lagu tuuray halkaas, ayna qaarkood ku dhaceen gudaha Saldhiga.

Dad ku sugan Garbahaareey ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in xalay ay maqlayeen dhawaqa Jug Culus, isla markaana ay xigtay rasaas xoogan iyo Madaafiic kale oo Ciidanka ay uga Jawaabayeen Madaafiicdii lagu soo tuuray.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay weerarkii hoobiyeyaasha ahaa, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka xoogga oo ay uga hadlayaan weerarkaas xalay lagu qaaday.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro isugu jiray Madaafiic iyo mid toos ahaa ku qaaday Saldhigyo Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here