Miisaanka Waftiga Shiinaha Ee Hargeysa Yimid, Ujeedada Fooramka FOCAC Ee Uu Ka Socday Ninka Muuse Biixi La Kulmay Iyo Xogo Kale

0
590

Hargeysa, August 8, 2020- (Foore)- Tan Iyo Markii Jamhuuriyadda Somaliland Xidhiidhka Iskaashi Iyo Wada Shaqayneed La Yeelatay Markii Ugu Horraysay Taariikhda Jasiiradda Taiwan, Waxa Uu Xidhiidhkaasi Laf-Dhuun Gashay Ku Noqday Waddanka Shiinaha Oo Wakhtigan Lagu Tilmaamo Quwadda Labaad Ee Dunida Kaasi Oo Saamayn Weyn Ku Leh Qaaradda Afrika. Shiinaha Oo Saldhig Weyn Oo Milatari Ku Leh Jamhuuriyadda Jabuutu, Sidoo Kalena Dhawaan Ballaadhiyay Safaaraddiisa Waddanka Soomaaliya Ee Magaalada Muqdisho Waxa Uu Si Adag Isha Ugu Hayay Xidhiidhka Hargeysa Iyo Taipie Taasi Oo Keentay In Ugu Dambayn Shiinuhu Somaliland U Soo Diro Wafti Ballaadhan Oo Uu Hogaaminayo Ambassador Zhou Yuxiao Oo Ah Wakiilka Fooramka Iskaashiga Shiinaha Iyo Qaaradda Afrika Ee Loo Soo Gaabiyo Focac Oo Ah Fooramka Iskaashiga Dhammaanba Dalalka Qaaradda Afrika Iyo Shiinaha.

Maadaama waftiga ballaadhan ee shiinuhu u soo diray Somaliland muujinayso culayska xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan iyo goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland ku taallo ee muhiimka u ah Shiinaha, iyo dhinaca kale isku wadka Taiwan iyo Shiinaha oo aan meel wada gali Karin waxa ay imtixaan culus ku tahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa oo looga fadhiyo sida ay ula tacaasho culaysyada danaha diblobaasiyadeed ee Somaliland kaga dabbaalan karto xidhiidhada dalalkan is diiddan ee haddana muhiimka u ah Somaliland.

Taariikhda waa markii ugu horraysay ee Somaliland badhtanka u gasho xaalad noocan oo kale ah oo muhiimad ballaadhan u leh siyaasadda khaarajiga ee Somaliland, sumcadeeda, danaheeda dhaqaale iyo istaariiji oo fursad weyn u noqon karta waana arrinka looga fadhiyo in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisu ay il feejigan oo mudakarnimo siyaasadeed ku ladhan tahay ku wajahaan duruufaha noocan oo kale ah oo la hubo haddii ay imtixaankaasi ka gudbaan in ay dhaxalsiin doonto waxtar ballaadhan. Waxa kale oo Madaxweyne Muuse Biixi hor yaalla in uu Shiinaha ku qanciyo xubin ka noqoshada Fooramka FOCAC ee uu Wakiilka ka yahay Ambassador Zhou Yuxiao oo uu shalay Madaxweynuhu la kulmay.

Waa Maxay Fooramka Iskaashiga Qaaradda Afrika Iyo Shiinuhu (FOCAC)?

1.Algeria, 2. Angola, 3. Benin, 4. Botswana, 5. Burkina Faso, 6. Burundi, 7. Cabo Verde, 8. Cameroon, 9. Central Africa, 10. Chad, 11. Comoros, 12. Congo, 13. Cote d’Ivoire, 14.Congo (Kinshasa), 15. Djibouti, 16. Egypt, 17. Equatorial Guinea, 18. Eritrea, 19. Ethiopia, 20. Gabon, 21. Gambia, 22. Ghana, 23. Guinea, 24. Guinea-Bissau, 25. Kenya, 26. Lesotho, 27. Liberia, 28. Libya, 29. Madagascar, 30. Malawi, 31. Mali, 32. Mauritania, 33. Mauritius, 34. Morocco, 35. Mozambique, 36. Namibia, 37. Niger, 38. Nigeria, 39. Rwanda, 40. Sao Tome and Principe, 41. Senegal, 42. Seychelles, 43. Sierra Leone, 44. Somalia, 45. South Africa, 46. South Sudan, 47. Sudan, 48. Tanzania, 49. Togo, 50. Tunisia, 51. Uganda, 52. Zambia, 53. Zimbabwe iyo Xubinta 54aad oo ah Ururka Midawga Afrika (The Commission of the African Union).

Doorka Shiinaha Ee Qaaradda Afrika:

Inkasta oo dadka siyaasadda iyo dhaqaalaha u kuur gala dhaliilaan nidaamka daynta culus ku dhisan oo Shiinuhu ku maal gashado qaaradda Afrika haddana waxaan la iska indho tiri Karin in shiinuhu badiba dalalka Afrika ka maal gashaday dhinacyada macdanta, shidaalka, beeraha iyo wax soo saarka xoolaha iyo kalluunka oo ah kaabayaal dhaqaale oo Somaliland si weyn ugu oomman tahay quwad weyn oo si ku dhac leh ugu soo dhiirrata maalgashigeeda. Heshiiska Kaabayaasha dhaqaalaha waxa uu shuruud u yahay, ka faa’iideysashada mashaariicda FOCAC ee Shiinaha uu ku bixiyo Afrika oo sannadkii gaadhaya $60 bilyan oo doollar, lacagtaasi oo aanay Somaliland waligeed hal Dollar ka helin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here