Washington, August 8, 2020- (Foore)- Shacabka Mareykanka ayaa 3-da bisha November ee sannadkan go’aan ka gaadhi doona in Donald Trump uu muddo afar sano ah oo kale kusii sugnaan doono xafiiska madaxweynaha ee Aqalka Cad iyo inkale. Madaxweynaha kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa loollan adag kala kulmaya musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga ee lagu magacaabo Joe Biden, kaasoo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Barack Obama, laakiin siyaasadda Mareykanka kusoo dhex jiray tan iyo 1970-meeyadii. Iyadoo ay maalinta doorashada soo dhawaaneyso, ayey shirkadaha saadaasha codbixinta sameeya isku dayayaan inay qiyaasaan waxa ay shacabka go’aansan doonaan, iyagoo dadka weydiinaya labada siyaasi midka ay doorbidayaan. Waxaan isbarbardhig ku sameyn doonnaa sida ay codadka u kala heli karaan. Codadka laga dhiibto goobaha codbixinta ee Qaranka ayaa door weyn ka ciyaari kara in la ogaado musharraxa ay dadku doorbidayaan. Laakiin ma aha sida ugu fiican ee lagu saadaalin karo natiijada kama dambeysta ah ee doorashada. Tusaale ahaan, sanadkii 2016-kii, Hillary Clinton ayaa dhinaca codbixinta ku horreysay, waxayna ku dhawaad saddex milyan oo cod ku hoggaamineysay Donald Trump.
Balse sidaasoo ay tahayna way ku guul darreysatay doorashada, sababtoo ah Mareykanku wuxuu isticmaalaa hab gaar ah oo lagu qiimeeyo doorshada, codad aad ku horreysayna kuuma suurtagalin karaan inaad madaxweyne noqotid. Markii dhankaas laga hadlayo, Joe Biden wuxuu saadaasha codadka uga horreeyay Donald Trump inta badan sannadkan socda. Dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay way sii xoogeysatay saadaasha guusha Biden, wuxuuna ku horreeyay 50%, laakiin Trump ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo kabanayay. 2016-kii, saadaasha codbixinta sida ay hadda tahay uma caddeyn, qiyaas yar unbaana kala saareysay Mr Trump iyo Musharraxii xilligaas la tartamayay oo ah Hillary Clinton. Haddase Biden ayaa aad uga horreeya madaxweyne Trump.
Sida ay ay Mrs Clinton ogaatay sanadkii 2016-kii, tirada codadka ee aad heshay waxaa ka muhiimsan meelaha aad ku heshay. Inta badan gobolladu waxay u codeeyaan siyaabo isku mid ah, taasoo ka dhigan in dhowr gobol oo kaliya ay sabab u noqon karaan musharraxa guuleysanaya. Meelahan waa kuwa horseedi kara guusha iyo guul darrada doorashada, waxaana loo yaqaannaa gobollada saldhigga u ah dagaalka tooska ah. Habka codeynta ee uu isticmaalo Mareykanka ayaa ah in gobol walba loo qoondeeyo tiro codad ah oo ku xiran tirada shacabkiisa.
Isku darka 538 cod ayaa gobolka laga soo bandhigayaa, musharraxana wuxuu u baahan yahay inuu helo 270, si uu u guuleysto. Hase yeeshee qaar ka mid ah gobollada ayaa la siiyaa tiro aad uga badan midda caadiga ah. Sidaas darteedna musharraxiintu waxay ol’ole waqti dheer socda ka sameeyaan gobolladaas. Gobollada lagu dagaallamo codbixintooda, guushana horseedi kara waa: Arzona, Florida, Georgia, Iowa, Michigan, Minnesota, Nevada, New Hampshire, North Carolina, Ohio, Pennsylvania, Texas, Viginia iyo Wisconsin. Waqtixaadirkan, codbixinta gobollada lagu dagaallamo waxaa heer fiican ka jooga Joe Biden, laakiin xaaladdu fari kama qodna, wax walbana waxay isu baddali karaan si deg deg ah, gaar ahaan marka uu meesha ku jiro Donald Trump. Saadaasha ilaa hadda la sameeyay waxay muujineysaa in Mr Biden uu hoggaaminayo gobollada kala ah Michigan, Pennsylvania iyo Wisconsin – waana saddex gobol oo warshado leh, kuwaasoo ninka kasoo horjeeda uu guulo kasoo hoyiyay sanadkii 2016-kii.
Madaxweynaha wakhtigan ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sumcad xumo badani kaga dhacday arrimo badan oo mudadii uu dalka Maraykanka hogaaminayay ka muujiyay siyasaddiisa iyo hab dhaqankiisa.