Caruurta Caadaysata Inay Suulka Jaqaan, Xaaladaha Keena Arrintan Iyo Sida Waalidiintu Ula Tacaali Karaan

0
659

Ubad badani waxa ay jaqaan ama nuugaan suulkooda ama faraha kale. Waxaana badan suulka in ay jaqaan. Suul nuugista ama Jaqiddu waa caado ku badan caruurta, waalidiin badanna waxa ay ku keentaa welwel balse ma aha xaalad laga walaaci karo oo halis ah.

Maxay Caruurtu U Nuugaan/Jaqaan Suulka?

Caruurtu marka ay yaryihiin ilaahay ayaa ku abuuray fel-celin nuugis ah, maadaama nuugista ay ku tiirsan tahay noloshoodu si ay naaska u jaqaan, sidaas darteed waxay keentaaa arrintani in ay farahooda nuugaan ama jaqaan. Maadaama naasku uu ilmaha siiyo daganaansho, farxad iyo cabsida oo ka yaraata, waxay ilmuhu ku badashaan suulka markii ay gaajoodaan, hurdo ay hayso ama ay kacsan yihiin.

Haddii ilmuhu ku waynaado dabcigaas waxaa dhib noqda in si sahlan looga gooyo. Waana ta keentay in aad aragto ilmo dhawr sano jira oo haddana suulka jaqaya.

Goormaa la rabaa in ilmuhu uu joojiyo suul nuugista?

Caruurtu badanaa waxay ku joojiyaan da’da 2 sano illaa 4 sano inta u dhaxayso, haddii intaa kadib ay sii nuugaan, waxay badanaa ka go’aan marka iskuulka la geeyo oo taasi keento in cadaadis uga yimaaddo caruurta facood ah darteed sidaana ku joojiyaan suul jaqista. Ogow waxaa dhici karta in ilmuhu hadduu joojiyo suul nuugista, uu ku laaban karo markuu welwelsan yahay ama cabsi hayso.

Goorma ayaa waalidka laga rabaa in ay wax ka qabtaan arrintan?

Badanaa waxay dhakhaatiirtu sheegaan in suul-nuugistu aanay dhib keenin illaa marka ilkaha joogtada ah soo baxaan mooyee, maxaayeelay ilkaha joogtada ah markii ay soo baxayaan, suulka la nuugayo wuxuu qalloociyaa ilkaha ama isdulsaaraa, sidaas darteed markuu ilmuhu gaadho 5 sano, waa in waalidku ka joojiyaa suul-nuugista.

Sidee looga gooyaa caruurta suul-nuugista?

Fadlan raac talooyinkaan hoose si raaxo leh ayuu ilmahaagu suulka uga go’i doonaa:

– Isku day in aad marka hore ka dhaadhicisid ilmahaaga inaanu suulka ku nuugin meel bulsho ah oo aad ka aamusto markuu sariiritiisa ku dul nuugayo marka aa billaabayso ka goynta suul-nuugista.

– Dagaal hala galin ilmahaaga oo haku khasbin inuu suul-nuugista joojiyo, badanaa waxaa dhacda inuu kusii adkaysto, isku day in aad faaniso ama qadariso markii aad aragtid isagoo aan suul nuugaynin, maadaama caruurtu jecel yihiin marka waalidku uu faaninayo iyagaa si aayar ah u joojin doono ama ku dadaali doono si ay waalidkood u arkaan iyagoo ammaanaya

– Uga sheekee ilmahaaga in suul-nuugistu aanay fiicnayn, caruurta in ay weynaadaana waxaa lagu ogaadaa in ay suulka-nuugista ay joojiyaan, maadaama caruurtu ay jecelyihiin in lagu yidhaa waad waynaatay ama hebel ayaad la ekaan doontaa laakiin suulka ha nuugin, wuxuu isku dayayaa intuu awoodo inuu caadadaas joojiyo iyadoo aan lagu qasbin.

– Hadduu ilmuhu xanuunsanayo ama wax dhibsado, hadduu bilaabo inuu suulka-nuugo ha ku qasbin inuu joojiyo, ka aamus xaaladahaas oo kale, maxaayeelay wuxuu rabaa inuu suul-nuugista isku sasabo ama isku dajiyo, laakiin haddii aad ku qasabtid inuu joojiyo, waad sii dhibaataynaysaa, suul-nuugistana wuu la dhuumanayaa.

– Haddii aad aragtid in ilmahaagu suul nuugayo, waa muhiim in aad xasuusiso inuu suul nuugayo, waydii inuu dareensan yahay inuu suulka nuugayo, tani waxay siyaadisaa ka warqabista xilliyada uu suulka nuugayo, sidaasna waxaa u sahlanaanaysa inuu joojiyo.

– Ilmaha ha u marin suulka waxyaabo qadhaadh ama kulayl ah sida basbaaska, tani waa xaasidnimo oo waxaa laga yaabaa inuu ka qaado dhibaatooyin nafsaani ah, waxayna dhakhaatiirtu ku tilmaamaan arrintan sidii in ilmuhu  isagoo ku dul taagan salli aad xoog kaga hoos siibtay, ilmuhu wuxuu ku war helayaa isagoo dhulka ku dhacay, laakiin ma ogaan karo sababta salliga looga hoos bixiyay!!!.

– Waxaa jira waaalidiin ilmaha suulka ka xidha ama gacanta ka daboola si aanu ilmuhu suulka u jaqin, tani waa arrin la isku khilaafsan yahay, qaar waxay yidhaahdaan arrintani waxay wax tartaa markii uu ilmuhu rabo inuu suulka iska gooyo, laakiin aanu ka warhaynin xilliyada uu nuugayo, laakiin haddii uu ilmuhu afar sano ka yar yahay, waxba gacanta hakaga xidhin, isagaa si dabiici ah uga go’i doonee.

– Caruurta badanaa suul nuugista ku daahdaa waa caruur ay ka maqantahay xanaanayn ama daryeelka hooyo, khaasatan markii ay hooyadu ka mashquulsan tahay ilmaheeda ama uga tagayso qof aan u buuxin karin booskeeda, sidaas daraateed inta aanay hooyadu isku dayin in ay ilmaha suul nuugista ka goyso, waa inay ilmaheeda wakhti u heshaa oo kalsooni ku abuurtaa. Haddii ilmuhu uu ka wayn yahay 8 sano, waalidkuna uu ku wareeray qaabkii ay uga joojin lahaa suul-nuugista waa inuu kala kaashadaa qof ku takhasusay cilmi nafsiga caruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here