Wararkii Ugu Dambeeyey Qaraxii Lagu Hoobtay Ee Lubnaan Iyo Sababta Dhalisay!!

0
598

Beirut, August 5, 2020- (Foore)- Waxa wali isa soo taraya wararka laga helayo khasaarihii ka dhashay xaaladdii masiibada ahayd ee qaraxyadii is daba socday ee lagu hoobtay kuwaasi oo shalay maqribkii Gilgilay caasimadda waddanka Lubnaan ee Bayruut.

Lubnaan ayaa gashay xaalad murugo ah, kadib markii qarax weyn oo ka dhacay caasimadda Beyruut uu dilay ugu yaraan 90 qof inta la diiwaan galiyay oo kali ah, halka dhaawacuna ka badan yahay 4,000.

Qaraxa oo ka dhacay dekadda magaalada ayaa ruxay caasimadda oo dhan. Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sano ah.

Cisbitaaladda ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada, waxaana qaraxa uu gebi ahaanba dhulka dhigay dhismayaal badan.

Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta tegay ayaa sheegay in meydad badan oo halkaa yaallay iyo burburka dhismayaasha ay ka dhigeen dekadda magaaladaasi mid aan la geli karin.

Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi u ah Lubnaan, iyadoo dhaqaale xumida taagan ay sii kala fogeysay bulshada. Sidoo kale, Jimcaha ayaa la filayay in maxkamad ay go’aan ka gaadho dilkii ra’iisal wasaarihii hore ee waddankaasi, Rafiiq Al Xariiri loo geystay 2005.

Maxaa dhaliyay qaraxa?

Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa sheegay in baadhitaannada hordhaca ah ay tilmaamayaan in qaraxa uu ahaa shil ee aan si ula kac ah loo fulin. inkasta oo aan si rasmi ah wali loo xaqiijin karin.

Wasaraadda arimaha gudaha ayaa sheegtay in maadama ammonium nitrate ee sida weyn u qaraxda lagu keydiyay makhaasiin ku yaal dekadda.

Ra’iisal wasaare Xasan Diyaab ayaa qaraxa ku tilmaamay masiibo, waxaana uu wacad ku maray in lagula xisaabtami doono kuwa mas’uulka ka ah.

Waxa uu ka hadlay “makhaasiin khatar badan” oo dekadda ku yaallay tan iyo 2014, balse waxa uu intaa raaciyay in aanu ka hordhici doonin baaritaanka.

Mas’uul ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa aanu wax lug ah ku lahayn qaraxa Beyrut.

ammonium nitrate

Qaraxa maadada Ammonium Nitrate Oo Hawada Sumaysay 

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dad ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha. Qaraxa ayaa laga maqlay jasiiradda Khubrus oo Beyrut u jirta ilaa 240 KM, kuna taal Bariga Mediterranean-ka.

Madax badan oo caalamka ah ayaa ka tacsiyeeyay musiibada halkaa ka dhacday. Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa bartiisa Twitter ku qoray: “Sawirrada iyo muuqaallada caawa ka imanaya Beyrut waa kuwo argagax leh. Waxaan u duceynayaa dhammaan dadka ku waxyeelloobay dhacdadaasi argagaxa leg.” Waxa uu intaa raaciyay in dowladdiisa ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay shacabka Lubnaan.

waddamada Maraykanka, Iiraan, Qadar, Turkiga iyo dalal kale ayaa sheegay in ay gargaarro degdeg ah u soo dirayaan waddanka Lubnaan waxaana la filayaa in deeqaha ugu horreeyaa ka yimaaddaan Qadar, Turkiga iyo Iiraan.

Xaaladda Lubnaan qaraxa ka hor

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Lubnaan, waxaana dhacay mudaharaadyo looga horjeedo qaabka ay dowladda u maareysay dhaqaale xumida dalkaasi ka taagan oo ah tii ugu darneyd tan iyo dagaalkii sokeeye ee socday 1975-1990.

Inta badan shacabka ayaa dhaqaale xumida u aaneynaya madaxda dalka mudada soo hogaaminayay ee keeni waayay isbedal xal u ah dhibaatooyinka waddankaasi ragaadiyay. Shacabka dalkaasi ayaa la tacaala koronto la’aan, biyo yari iyo daryeelka caafimaadka oo liita.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw halkii lagu beegsaday ra’iisal wasaarihii hore Rafiiq Xariiri oo 15 sano ka hor lagu dilay gaari waxlaha qarxa laga soo buuxiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here