Dhakhtarad Caan Ka Ahayd Soomaaliya Oo Saaka Ku Geeriyootay Muqdisho

0
602

Muqdisho, August 5, 2020- (Foore)- Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa waaberigii hore ee saaka ku geeriyootay Drs. Xaawa Cabdi oo kamid aheyd dhaqaatiirta waaweyn ee Dalka Soomaaliya.

Haweenaydan oo in ka badan 50 sano ku soo dhex irtay mihnadda Caafimaadka kana mid ahayd bahda caafimaadka ee caanka ka ah dalka Soomaaliya Ilaahay ha u naxariistee waxa ay saaka ku geeriyootay Muqdisho.

Wararka laga helayo geerida Drs. Xaawa Cabdi ayaa sheegaya inuu xanuun Deg deg ahi kusoo booday, isla markaana loola cararay Xarun Caafimaad, hayeeshee xanuunkii qabtay ay ugu dambeyn u geeriyootay.

Geerida Marxuumad Drs. Xaawa ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Caruurtii ay dhashay iyo Eheladeeda, waxaana geeridaas ka tacsiyeeyay dhakhaatiirka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Drs. Xaawa Cabdi ayaa muddo ka badan nus qarni ka soo shaqeynaysay Arrimaha Caafimaadka Soomaaliya, iyadoona lagu xasuustay Halgankii ay u soo gashay Bulshada Soomaaliyeed mudadii Dalku uu ku jiray Burburka.

waxa ay Cisbigtaal weyn ka hir gelisay duleedka Magaalada Muqdisho oo ay sidoo kale dakhaatiir caafimaad ka yihiin hablo ay dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here