Wararkii Ugu Dambeeyey Diyaarad Kenya Laga Leeyahay Oo Ku Burburtay Koonfurta Soomaaliya

0
496

Kismaayo (Foore) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay diyaarad nooca millatariga ah ee ay leeyihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee ka socda Soomaaliya ay ku burburtay garoonka diyaaradaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradda oo sahay u siday ciidamada Kenay ee ku sugan degmadaasi ayaa la sheegay inay shil gashay xilli ay dooneysay inay caga dhigato garoonka Dhoobley.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawaceem illaa saddex kale oo dhammaan ahaa howl-wadeenadii la socday diyaaradda burburtay.

Khasaaraha ayaa lagu soo warramayaa inuu yaraa maadaama dadka la socday diyaaraddu ay aad u koobnaayeen.

Sidoo kale waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab qabsaday diyaaradda oo la soo wariyey inay dhacday xilli habeen ah.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay shilkaasi diyaaradeed, weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Kenya.

Shilalka diyaaradeed ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ku soo badanayey gudaha Soomaaliya, waxaana ay aheyd dhowaan markii diyaarad u socotay ciidamada Jabuuti ay ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here