Halkuu Marayaa Tallaalkii Laga Raja Qabay In Loo Helo Cudurka Corona?

0
615

Geneva (Foore)- Guddoomiyaha Guud ee  hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom ayaa sheegay in inkastoo ay jirto rajo ku saabsan in talaal loo helo feyraska Corona haddana ay noqon karto in aan la helinba gabi ahaantii inkasta oo aan laga quusan doonin dadaallada loogu jiro helitaanka Tallaal wax tar leh.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in aysan jirin wax damaanad qaadaya waqti xadirkan helidda talaal islamarkana xitaa laga yaabo in aan la helin”.

Mr Tedros ayaa ku booriyay guud ahaan dadka ku nool caalamka in ay u hogaansamaan kala fogaanshiyaha, dhaqashada gacmaha iyo xidhashada Maaskarada.

Guud ahaan caalamka, in ka badan 18 milyan oo qof ayuu ilaa iyo ku dhacay feyriska Covid-19.

Tirada dadka u dhintay feyriska ayaa ilaa iyo imika gaaraysa 689,000, sida ay sheegtay jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ee Johns Hopkins.

Agaasimaha guud ee hay’adda WHO oo ka hadlayay xarunta hay’adda ee Geneva, ayaa sheegay in shaqooyiinka talaalka ay meel wanaagsan marayaan.

“Tiro ah tijaabadda talaalka ayaa waxay marayaan wajigii saddexaad, waxaana rajaynayaa in ay jiri doonaan tiro talaalo ah oo gacan ka gaysan doona ka hortagidda feyriska, ayuu yuri Mr Tedros.

‘sii wada naas nuujinta caruurta’

Mr Tedros ayaa sheegay in hooyooyiinka looga shakiyo cudurka amaba lagaa helay ay tahay in lagu dhiirigaliyo in ay sii wadaan naas nuujinta caruurtooda.

Waxaa uu intaa ku daray in faaida naas nuujinta, “ay aad uga miisaan badan tahay halista feyriska”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here