Baqdaad, August 2, 2020- (Foore)- Shacabka reer Ciraaq ayaa ku dadaalaya sidii ay isku qaboojin lahaayeen maadaama oo heer kulka guud ahaan gobolka Bariga Dhexe aad u kordhay. waxaana gaar ahaan kulayl culusi ka jiraa waddanka Ciraaq.
Magaalo madaxada Baqdaad ayaa lagu soo waramayaa in heer kulku gaadhay Salaasadii 52C, taas oo noqonaysa halkii ugu sarraysay ee uu gaadho abid.
Arbacadii ayaa la sheegayaa in kulku hoos ugu soo dhacay 51C.
Dad badan ayaan guryaha ka soo bixin, badhtamaha magaalada Baqdaadna dadka qaarkood ayaa isku qaboojinayey tuushash ama xamaamyo macmal ah.
Heer kulkan xad dhaafka ahi wuxuu culays dheeraad ah sii saaray adeegyada aasaasiga ah ee dalka oo markooda hore ba iska liitay.

Koronto la’aanta ayaa dad badan oo reer Baqdaad ah ku dirqiday in ay adeegsadaan mishiinno si ay dab ugu helaan marawaxadaha iyo AC-yada.
Xaaladan ayaa dhalisay cadho mug leh, waxaanay dib u bilaabmay mudaharaadadii dhawaanahan dhacayey.


Nin dhalin yaro ah oo ka qayb galay mudaharaad lagaga cabanayo adeeg xumada ka jirta Baqdaad, 27 Julay
Dalkaa waxa kale oo saameeyey hoos u dhaca qiimaha saliidda ee sayladaha dunida tan iyo intii safmarka fayraska korona bilaabmay.
Sida ay muujinayso xogta Jaamacadda Johns Hopkins safmarkani wuxuu ku dhacay 118,000 qof oo reer Ciraaq ah halka 4603 kalena u dhinteen.
