Hargeysa, August 1, 2020- (CE) – Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ayaa maanta Safar kedis ah oo sandqadhiisu yarayd waxa uu ku yimid caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, wakhti ay maalmo koobani uun ka soo wareegeen markii xiisadda siyaasadeed ka dhex oogantay Somaliland iyo Shiinaha oo isku seeggan qaddiyadda Taiwan.
Safiirka Shiinaha u jooga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Ambassador Qin Jian ayaa waxa madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Khaarajiga iyo saraakiil kale oo xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ah, wakhti uu dalka safar kaga maqan Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa loo sii galbiyay qasriga madaxtooyada Somaliland oo uu kulan kula qaatay madaxda ugu sareysa Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi, oo uu kala hadlay sida ay ilo xog ogaal ahi sheegeen arrimo badan oo la xidhiidha xaaladdii dhawaan ka dhalatay xidhiidhka Soaliland la yeelatay Jasiiradda Taiwan oo Shiinuhu sheegto in ay ka mid tahay balse ah dal ka madax bannaan oo dalal dhawr ahi aqoonsan yihiin.
Shiinaha ayaa si adag uga hor-yimid xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, isagoona ku tilmaamay wax aan la aqbali kareyn, isla markaana xad-gudub ku ah Jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha. balse wakhtigaasi Somaliland waxa ay sheegtay in aanay wax dhibaato ah u gaysanayn Shiinaha ee ay soo dhawaynayso xidhiidh kasta oo wax is dhaafsi.