Xisbiga WADDANI: “KULMIYE Ma Waxa Uu U Dabbaal Degay 10 Sano Oo Qabyaalad, Kala Qaybin Ummadeed, Musuqmaasuq, Maamul Xumo Iyo Dawladnimadii Oo Uu Karaamada Ka Qaaday Ah?”!!

0
622

Hargeysa, July 30, 2020- (Foore)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu si adag u naqdiyay xafladdii ay toddobaadan magaalada Hargeysa ku qabsadeen masuuliyiinta Xisbiga Dawladda ee KULMIYE kuwaasi oo u dabbaal degay sannad guurada 10aad ee ka soo wareegtay maalintii Xisbiga KULMIYE xilka dawladnimo si rasmi ah loogu dhaariyay 27-kii Bishii Julaay 2010, taasi oo ay si gaar ah ug umaamuuseen masuuliyiinta KULMIYE Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirrrada Diinta iyo Maaliyadda oo ka mid ah xukuumadda muddo xileedka teeramka labaad oo mudadii ay xafiisyada joogeen baarka ka jartay 10 sano.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa uu masuuliyiinta KULMIYE ee xafladda sannad guurada 10aad ku qabsaday magaalada Hargeysa ku dhaliilay in muddodaasi aanay waxba waddanka u qaban aan ka ahayn kala qaybin iyo qabyaalad ay bulshada Somaliland kala dhex dhigeen halka ay sidoo kale ku dhaliileen in aan KULMIYE xaflad looga fadhiyin ee looga fadhiyo wax ka qabashada baahiyaha is biirsaday iyo baylahaha taagan.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa qoraal kooban oo uu shalay ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu ku yidhi: “Shirkaddaha ganacsiga ayaa 10kii sanaba mar sameysta xaflado ay ugu dabaal-dagaan macaashka ganacsi ee ay macaamishooda ka helaan, Xukumaddaha duniduna waxay u dabaal-dagaan maalmaha taariikhiga ah ee cimrigooda umaddeed soo maray horumar iyo hagardaamo labadaba wixii soo dhacay ee taariikhda dalka ku xussan sida inaga ay inoogu suntan yihiin ayaamaha18ka May & 26ka Juun. Xisbiga Kulmiye’ In u dawladnimadii dalka u eekaysiyo Shirkad ganacsi waa ayaan-darro weyn! ceeb iyo cay cad ayey ku tahay cuquusha umadda Somaliland afcaasha noocani ahi.

Ma waxaa loo dabaal dagay 10 sanno oo qabyaalad iyo kala qeybin umaddeed ah’ Isla xisaabtan la’aan iyo Musuq baahay oo dawladnimo ah’ Xadhig iyo Xabsiyeyn ah’  Caasimaddii dalku Biyo la’aan tahay, Laydh dawladeed la’aan tahay’  Cisbitaalo dawladeed la’aan tahay’ Waddooyin la’aan tahay Ictiraaf la’aan tahay’ Doorasho baarlamaan iyo deegaan la’aan tahay?

Hambalyey ku qoreen boodhadh ay soo daabacdeen laakiin hagardaamay u horseedeen umadda!. Kulmiye dawladnimadiibuu karaamada ka qaaday oo qaab sillan oo aan qarannimo ku abtirsan karin u eekaysiiyey”. Ayuu yidhi Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun oo si adag u naqdiyay hab-dhaqanka KULMIYE iyo xafladdii ay ku qabsadeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here