Hargeysa, July 30, 2020- (Foore)– Xildhibaan Axmed Diiriye Nac Nac oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku hambalyeeyay Shirkadda Telesom Qiime dhimista ay ku samaysay Adeegga Telefanadda iyo sidoo kale Adeegga Aroos wacan ee ay shirkaddu ugu deeqday Dhalinyarta tahli kari wayday guurka, islamarkaana ay iskugu guurinayso tiro gaadhaysa Soddon Qoys.
Xildhibaan Nac Nac Oo Shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “Halkana waxaan uga mahad-naqayaa shirkadda Telesom oo laba adeeg soo saartay Kaafiye oo ah ku shubo $7 toddoba dollar oo bisha oo dhan ku haddal iyo adeegka aroos wacan ee soddon ka Nin iyo wiil iyo soddon gabdhood la iskugu guurinayo, waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin weligiinba dadka waad caawin jirtaa alle ha idin caawiyo,dhalinyaradana waxaan leeyahay ka faa’iidaysta waar arooskaa ka faa’iidaysta oo kuwii iminka guux-guuxayow maal-mahan ka faa’iidaysta wakaa illaahay shirkadaa Telesom inoo diree .” ayuu yidhi
Sidoo kale waxa uu yidhi “ Adeegyadani waa adeegyo khayr qaba oo mid oo toddoba dollar ku shubo oo ilaa bisha oo dhan ku haddal,midna waa aroos wacan oo laba qof oo aan waxba haysan ayaa la isku guurinayaa Telesom,wey mahadsanin yihiin.”
Ugu Dambayn isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray“Adeeggaa aad soo kordhiseen waad ku mahadsantihiin lakiin mid ayaanu ka coddsanaynaa haddii aanu odayaasha nahay qudhayadu waxaanu u baahanay minyaroonyine,bal annagana naga war haya adeer.”