Hargeysa, July 30, 2020- (Foore)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom Ayaa Daaha ka qaadday Adeegyadda KAAFIYE Iyo AROOS WACAN Oo Ah Adeegyo Ay Bulshaddu Si Weyn Baahi Ugu Qabeen. Munaasibadda Daahfurka Ayaa Ka Qaybsoontey Xarunta Shacabka Ee Shirkadda TELESOM.
Adeegga KAAFIYE Oo Ah Adeeg Qiimo-Dhimis Ballaadhan Loogu Sameeyey Adeegga Ku Hadalka Iyo Dirista Fariimaha Gaagaaban ayaa waxa uu noqday adeeg Bulshadu si weyn u soo dahwaysay, Adeeggan Ayaana Macmiilka U Sahalaya Inuu Bishan Oo Dhan Ku Hadlo Lacag Dhan $7 oo kali ah.
Maamulaha Suuq-Geynta Ee Shirkadda TELESOM Cabdiraxmaan Aar Ayaa Sharaxaad Ka Bixiyey Adeegga KAAFIYE. Adeegan Oo Qofku Kaga Shuban Karo Adeegga ZAAD, Isagoo Isticmaalaya Qaybta Dollar-Ka *808# Ka Dibna Dooranaya KAAFIYE, Halka Shilling-Ka Somaliland-na uu Kaga Shuban Karo *202#.
Shirkadda Telesom Ayaa Sidoo Kale Soo Bandhigtay Abaal-Marintii Ugu Ballaadhneyd Ee Lagu Abaal-Marinayo Dhallinyaradda Guur-Doonka Ah. Abaal-Marinta Oo Lagu Magacaabay AROOS WACAN.
Maamulaha Suuq-Geynta Ee Shirkadda TELESOM Cabdiraxmaan Aar oo ka hadlayay adeegga KAAFIYE waxa uu yidhi: “Shirkaddu waxa ay Macaamiisheeda ugula dabbaal degaysaa ciidal Adxa adeegga KAAFIYE. Waa adeeg u sahlaya macaamiisha in ay qiime go’an ku hadlaan Bisha oo dhan. Waa hadalka iyo dirista farriimaha dalka gudihiisa. Ku shubo 7 doollar oo Bisha oo dhan ku hadal. Macmiil haddaba si aad ugu shubato garaac *808# ama *202#. Macmiilku waxa uu lacagta kaga shubanayaa adeegga ZAAD Service. Shirkadda TELESOM waxa ka go’an in ay mar walba ilaaliso tayada adeegga ay macaamiisheeda siinayso iyo sidoo kale in ay mar walba horumar iyo is baddal ku samayso adeegtada ay macaamiisheeda u qabanayso. Waxa aannu macaamiishayada ugu Bushaaraynaynaa in ay dhawaan naga fishaan barnaamijyo fara badan oo xiiso leh”.
Dhinaca kale Agaasimaha Horumarinta Arrimaha Bulshadda Ee Shirkadda TELESOM Mudane Cabdiwahaab Maax Oo Sharaxaya Abaal Marinta qaaliga ah ee kale ee shirkaddu fursadda ugu siinayso macaamiisheeda Ayaa Yidhi: “Baraamijka AROOS WACAN Waa Barnaamij Loogu Talo-Galay In Lagu Taageero Dhalinyaradda Aan Wali Guursan Ee U Baahan Inay Qoys Dhisaan. Barnaamijkani Wuxuu Bartilmaameedsan Doonaa Lixda Bilood Ee Ka Hadhay Sannadka, In La Dhiso 30 Qoys Ama 60 Lamaane Oo Laga Bixiyo Kharashka Arooska Oo Uu Ugu Muhiimsan Yahay In Loo Iibiyo Agabka Guriga Oo Dhan, In Laga Bixiyo Kiradda Guriga Oo Lixda Bilood Ah Iyo Waliba In Loogu Daro Masaariif Lixda Bilood Ah. Shirkadda TELESOM waxa ay si gaar ah daryeel ugu fidisaa dhallinyarada waddanka oo ah cududda qaranka. Waxa ay shirkaddu mar walba umadda ku soo celisaa waxtar iyo taakulo dhinaca Bulshada ah oo ay umaddeeda u qabato. Waxa ay dhallinyarada hore ugu samaysay Barnaamijka Arday-kaab oo ah barnaamij ardayda lagaga taageero dhinacyada deeqaha waxbarasho heer jaamacadeed iyo heer dugsi sareba. Waxa ay shirkaddu hore uga qayb qaadatay shaqo abuurka dhallinyarada. Dhallinyarada shirkadda ka shaqaysaa 90% waa dhallinyaro waddanka wax ku baratay. Waxaana 100% ka badan kuwa dibadda wax ku soo bartay waxa ka badan kuwa dalka wax ku bartay ee ay fursadda shaqo siisay shirkaddu. Waxa ay shirkaddu talo caafimaad iyo daaweynba siisaa da’ yarta la nool cudurka macaanka ee ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ee aan awoodin dhaqaale ahaan in ay daawo iyo daryeelba helaan. Iyo kuwo kale oo badan oo ay ka mid yihiin tabsira. Adeeggan kaalmada ah ee aannu haddaba imika soo kordhinay ee cusub waxa la yidhaahdaa Aroos Wacan. Aroos wacan waa maxay, muxuu qabanayaa?, waa Barnaamij lagu taageerayo dhallinyarada aan dhaqaale buuran haysan ee haddana doonaya in ay guri xalaal ah dhisaan oo guursadaan. Waxa uu barnaamijkani dhaqan gali doonaa lixda Bilood ee sannadkan ka hadhay. Waxaana la dhisi doonaa mudadaasi 30 qoys waa Lixdan lammaane. Waxa laga bixin doonaa kharashka arooska. Waxa ugu muhiimsan agabka guriga oo dhan in loo iibiyo. In muddodaasi lixda bilood ah kirada guriga laga bixiyo iyo waliba in loogu diri biilka lixdaa bilood ee ugu horreeya. Arrimahaasi oo ah culaysyada ugu adag ee dhallinyarada marka hore ka hor taagan in ay guursadaan” ayuu yidhi Mudane Cabdiwahaab Maax.
Haddaba Barnaamijkan Abaal-Marinta AROOS WACAN Oo Ah Mid Aanay Shuruudi Ku Xidhnayn, Waxaa Lagaga Qayb-Gali Karaa Habka Fariimaha Gaagaaban, Waxaanu Qofku Fariin Ah “AROOS” U Dirayaa Lamabrka Gaaban Ee “111” Fariintuna Waa Mid Bilaash Ah.