Hargeysa, July 30, 2020- (Foore) – Siyaasi Cismaan Axmed Maxamed “Abwaan kujire” oo ka mid ah saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku sifeeyay shaqsi jecel Musuq Maasuq islamarkaana aan dadka kale u ogolaan inay wax cunaan.
Abwaan kujire ayaa sidoo kale Weerar afka ah ku qaaday Xisbigii uu ka tirsanaan jiray ee Kulmiye waxaanu sheegay in Xisbiga Kulmiye lagu soo aasaasay Qabyaalad iyo is reeraysi balse uu imika noqday Guri cas laga guuray oo cidlo ah, waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye Bulshadda dhaxalsiiyay oo ay bulshadu ka faa’iiday oo qudha Musuq maasuq iyo kala dambayn la’aan uu sheegay inay illaa maanta ina haysato.
Cismaan Kujire Oo Shalay Warbaahinta la hadlay isagoo Hargeysa ku sugan ayaa waxa uu yidhi oo hadaladiisii ka mid ahaa “Xisbiga KULMIYE maanta waa guri cas weeyaan,markii horena wuxuu ahaa Xisbi Qabyaalada ku macaashay,oo qabyaalad Meesha ku yimid,markii hore iyo marka dambeba ,waxaana laga macaashay musuq-maasuq,iyo kala-dambayn la’aan.”Ayuu yidhi
Waxa kale oo uu yidhi “Maantana Madaxweynaha joogaa,waxaan odhan karaa Madaxweynuhu ma necba musuq-maasuqa, lakiin wuxuu neceb yahay wixii aan isaga ahayn ee wax qaata, ayuu neceb yahay,weynu la soconayaa maatida qaylinaysa iyo dadka qaylinaya ee Baloodhada laga qaadayo iyo kuwa guryaha loogu dhacayo, kuwa dhibaatada lagu hayo,weynu ognahay oo weynu la soconaa”. Ayuu yidhi siyaasigan xisbiga WADDANI ka tirsani isaga oo dhaliilayay xisbiga KULMIYE.