Guddoomiyaha Baanka Somaliland Oo Faahfaahiyay Baadhitaanno Lagu Sameeyey Ninkii Lagu Eedeeyey Dhaca Lacagaha Baaqna U Diray Shacabka

0
634

Hargeysa, July 30, 2020- (Foore)- Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Md. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa waxa uu si waafi ah uga hadlay xaaladda Ninka la sheegay in uu dhawaan lacago kala yimid Magaalada Muqdisho. Kaasi oo dad badani ka cabanayeen in uu ku waxyeeleeyey shirkado dhinaca lacagaha ah oo uu ku hawlanaa ninkaasi oo lagu magacaabo Looge Yuusuf Cali oo ah nin u dhashay Somaliland balse ganacsiyo ku lahaa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Baqdaadi waxa uu sheegay in nidaamka xisaab-ganacsiyeed ee FOREX aanu ka shaqayn guud ahaan Somaliland ninkaana baadhitaano badan ay ku sameeyeen si ay wax uga qabtaan cabashada ka soo gaadhay dadka reer Soomaaliya ee ninkan ka cabanayay. Isaga oo Guddoomiyaha Baanka Somaliland sheegay in dhaqdhaqaaqyada maaliyeed ee uga furan dhammaanba baananka Somaliland ay xayiraad ku soo rogeen muddoda ay baadhayaan.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo faahfaahinaya wixii uga soo baxay baadhitaannadii ay ku sameeyeen ninkaasi waxa uu yidhi: “Baanka Dhexe ee Somaliland markii uu ogaaday ashkhaasta ku adeega nidaamka Forex ay yihiin budhcad ku shaqaysata nidaam loo yaqaanno jiif oo jaq. Taariikhdu markii ay ahayd Feebarweri 19-keedii 2020 waxa uu Baanka Dhexe soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo in ay shirkadahaasi. Waxaanu albaabada u laabay xafiisyadii ay ka hawl gali jireen. Haddaba bishii May 26 keedii. Waxa warbaahinta la hadlay Muwaadin Looge Yuusuf Cali oo ah Mulkiilaha shirkadaha Future Trades iyo Sool Travel Agency. Markii ay waraysigiisaasi eegay waxa uu Baanka Dhexe sameeyey baadhis iyo dabagal waxaana Baanka Dhexe u caddaatay in Looge Yuusuf ku jiray suuqa loo yaqaano FOREX. Isla markiiba waxa uu Baanka Dhexe xayiraad degdeg ah saaray. Wixii maal iyo hantiba u yaallay Baananka, Xawaaladaha, Adeegyada ZAAD iyo e-Dahab. Wadarka Guud eek u jirtay xisaabaadka shirkadahani waxa ay ahayd 156-kun oo Dollar. Haddaba baadhitaankaasi kadib waxa Baanka Dhexe u caddaatay

  1. In dhammaan xisaabyada ku furan magaca Looge Yuusuf Cali, Maxamed Cawaale, Future Trades iyo Sol Travel Agency laga furay dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.
  2. In aanay jirin Muwaadiniin Somalilanders ah oo uu Lacag u hayo Mulkiilaha shirkadahaasi oo ah Looge Yuusuf Cali
  3. In aanay Jirin lacago dhigaal ah (Deposits) oo xisaabahan lagaga shubay gudaha Somaliland.

Haddaba markii Baanka dhexe muddo soddon cisho ka badan waxa uu sugayay dhawaaq ka soo yeedha ciddii lacagi ka maqan tahay ama codsi nooga yimaadda dawladaha jiiraanka ama hay’adaha caalamiga ah ee sida booliska caalamiga ah ee Interpol. Markii aannu waynay dad lacagi ka maqan tahay dibad iyo gudoba ama amar ka soo baxay maxkamad sharci ah waxa uu Baanka dhexe go’aansaday in uu xayiraadda ka qaado hantidii iyo maalkii uu lahaa Looge Yuusuf Cali maadaama aanu jirin sharciyad aannu ku sii haysan karno Hantidiisa iyo Maalkiisa”.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Md. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) waxa uu dhammaan cid kasta uga digay nidaamka lacagaha ee Forex. “Ugu dambayn waxa uu Baanka dhexe ee Somaliland ku war galinayaa dadka reer Somaliland in ay iska ilaaliyaan mashruuca loo yaqaano Forex

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here