Berbera, July 27, 2020- (Foore)– Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland ayaa lagu eedeeyay inay khilaaf ka dhex abuurtay Shirkadda Gaadiidka Rarka qaada ee Berbera ee TAWFIIQ, Shirkadaasi oo shalay laba garab u kala jabtay kadib markii ay dhex gashay wasaaraddu iskuna dayday inay maamul iyada waafaqsan usamayso.
Masuuliyiin Wasaaradda ka tirsan oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi Sayid Cumar oo muddo todobaad ah ku maqnaa Berbera ayaa Shalay khilaaf xoogleh ka dhex abuuray Masuuliyiinta Shirkaddaasi kadib markii lagu eedeeyay inay farogalin ku sameeyeen hanaankii doorasho ee gudida shirkaddaasi, waxaanay arintaasi keentay inay aqlabiyadda xubnihii shirkadaasi fadhiyay ay hoolkii shirka ka dareeraan islamarkaana ay kasoo horjeestaan maamul cusub oo Wasaaraddo badhi taageeraysay oo shirkaasi kasoo baxay, islamarkaana ay kuwo kale banaanka Hoolka ku doortaan.
Agaasimaha oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan horena idiinku sheegay in xafiiska WFP ee Itoobiya ay warqad wasaaradda u soo direen oo ay leeyihiin Xafiiskii Gaadiidka Berbera La shaqayn kari mayno, aqoondaro darteed ula shaqayn kari mayno, Emailka aanu u dirna kasoo jawaabi maayaan, Haddaanu teleefan ka garaacno is afgaran mayno, oo anagana dad ajaaniib ah ayaa noo shaqeeya, markaa waxaanu idinku boorinaynaabay yidhaahdeen in xafiiska Gaadiidka “Transport” ee Somaliland ay dad aqoon lihi ay hogaamiyaan, warqaddii halkan ayaa shalay la idinkula wadaagay, iyada ayaynu ku go’aan gaadhnay”. Agaasime Cumar Sayid.
Dhinaca Kale iskaashatada Gaadiidlayda ayaa qaadacay doorashaddaasi uu goobjoogga ka ahaa Agaasime Sayid waxaanay sheegeen in xafiiskoodii ay Ciidan Booliis ahi la wareegeen islamarkaana ay Shirkaddii gaadiidlayda ay laba ukala jabisay Wasaaradda Gaadiidku iyagoo sidoo kalena sheegay inay Goob banaanka ka ah Xafiiskooda ay dib ugu doorteen Gudoomiyahaoodii hore, Gudoomiye Xigeen iy Xoghaye kale oo cusub, waxaanay Xukuumadda dhexe ugu baaqeen inay kasoo gaadho Wasaaradda Gaadiidka oo ay sheegeen inay farogalin ku hayso Shirkadda Gaadiidlayda.
Waxa hadaladoodii ka mid ahaa “Waxaanu sheegaynaa dawladii dhamayd ee dalka ka masuulka hayd anaguun bay nagu meraysanaysaa kolba, oo ay naga dhamaan la’dahay, guddoomiyaha aanu samaysanaba way soo faragalinaysaa maanta guddoomiyahayagaa ayaa noo guddoomiye ah dawladdana uma jeedno ugu danbayntii waxaanu fariin udiraynaa cidkasta oo ay khusayso inay naga dulqadaan culayska ay wasaaraddu nagu hayso inankan yar ee agaasimaha ah mooyi dee waxan uu nagu arkay ee nagu soo afgooyay dooraashadayada, halkaa gadiidka dhexdiisa ayaanu ku qabsanaynaa ururkan oo gudoomiye u doortay Cumar Ismaaciil Cali hore’na u ahaa guddoomiyihii iskaashatada gaadiidlayda TAWFIIQ, Wasaaradda Gaadiidka halanaga soo gaadho Madaxweyne”.