Hargeysa, July 25, 2020- (Foore) – Xaflad lagu maamuusayo dufacdii 11aad ee ka qalinjebisa Xarunta Cisbitaalka Sahan ayaa lagu qabta xaruntaas, taas oo ka soo qayb-galeen waalidiin, masuuliyiin kale duwan ee Dowlada iyo culimo Awdiin iyo marti sharaf kale oo tira bada, waxaana halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey ardaydii ka qalin-jebisay xaruntaasi.
Xarunta Sahan ayaa ahaa mid daryeel daawayn iyo wax-barasho siisa dadka uu haleelo xanuunada dhimarka,iyadoo dufcadan 11aad ee ka qalin jebisay hadda ay barteen dhammaysteen qur’aanka kariimka ah iyo Xirfadaha dawaarka .
Ugu horrayn waxa halkaas ka haddlay Agaasimaha guud ee xarumaha Sahan Cisbitaal Kayse Xasan Cumar “Dhammaan masuuliyinta iyo waalidiinta kasoo qayb-galay waanu u mahadnaqaynaa dhammaan tood,halkan aynu joognaa waa Sahan oo runtii ah Cisbitaal ka shaqeeya xanaanayta iyo daryeelka dadka dhimirka,dufcadan hadda qalin-jebinaysaa waa dufcadii 11aad ee ka qalin jebisa Sahan, waxa weey mudadaa ay 11aad dufcadood ka qalin jebinayeena xaruntu marba heer ayey taagnayd ,mar waxa jirta aan dhismaha weyn aananu haysan oo guri yar oo kooban aanu ku jirnay ,waxaana ka koobantahay qaybta caafimaadka qaybta jimicsiga .”Ayuu yidhi.
Waxa isna halkaas ka haddlay Guddoomiyaha Xarunta Sahan Bashiir Maxamed Jaamac , kaas oo ah aasaasihii xaruntan waxaanu yidhi “Xaflada waxa joogta labeentii Qaranka , Shiikheena weyn Sheekh Aadan Sirro isaguna waaba rugunka koobaad ee ay meeshu ku taagan tahay aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa waxaan u mahadcelinayaa wasiir ku-xigeenka caafimaadk Mahdi Cismaan Buuri ,maalintii karantiilku baxay ayaanu u tagnay Guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka Somaliland markaas ayaanu ku nidhi ardaydii imtaxaankii wey dhammaysteen markiiba macalimiin ayey usoo direen shan cisho gudahood ayey ku soo dhammee macaa shahaadadii oo ay ku soo saxeexeen,aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa..”Ayuu yidhi.
Qaar kamid ah ka qayb-galayaashaa Xafladaas ayaa iyana sheegay sidan “waxa dadkeena halkan keenay ee meeshanu u dhisan tahay waa dhibaato uu mukhadaraadku uu inagu keenay iyo maandooriyuhu inta halkan joogta ee lag tababaray ama lagu hayo ama lagu daaweynayo waa dhibaato uu mukhaadaraadku keenay ee wax kale maaha,weynu u ducaynaynaa walaalkeen Bashiir iyo shaqaalaha la shaqaynaya, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin ururkan Sahan ee hawshan adag ee aan Dowladina awoodayn ee ay qofkii oo xanuunsanaya intay Daweeyeen haddana waxbareen oo qofkii oo takhasus leh uu halkan ka baxayo, waxa hadhay qoladan maanta qalin jebinaysa halkii la idinka soo saaray haku noqonina,inamada maanta halkan ku qalin-jebinaya iyo qaar kale oo qalin jebiyeyba oo halkan ka baxay oo bogsadayba illaahay shinbir uun ayuu uga soo dhigay Sahan , inamadaas qaar ayaa laga keenay debadaha qaar ayaa laga keenay gobolada dalka marka ay Sahan toosiso ee lagu soo tabco , mushkilada ayaa taala, taas oo ah inuu inankii markuu halkaa uu caafimaadkii kale baxo wixii laga soo xareeyey oo ama jaad ahaa ama wax kale ahaa ayuu inankii markii uu caafimaadkii dareemo asxaabtii ayuu helayaa wixii ayuu halkii ka bilaabayaa , markaa waxaan kale dardaarmayaa inamada inay iska daayeen.”Ayey yidhaah-deen.
Waxa iyana halkaas ka hadlayaa Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Xidhiidhka golayaasha iyo Arrimaha Bulshada iyo weliba Agaasimaha waaxda dhimirka ee cisbitaalada Somaliland, kuwaas oo ka marag kacay kaalinta mihiimka ah ee ay Sahan ugu jirto bulshada waxaana kamid ahaa haddaladoodii “wasaarrad ahaan iyo xarunta Sahan xidhiidh wanaagsan ayaa ka dhexeeya,wasiir Hinda waxa ka go’an inay la shaqayso xarunta haddii ay raashin noqoto iyo taakule kale noqotoba iyo haddii ay dhiirigelin noqoto wey la barbar taagan tahay, adegga aad qabanaysaan ee midho dhalkiisa aanu arkaynaana mid mihiim ah Dowladu inay gacan siisa waa mihiim,annaguna karaankayaga diyaar ayaanu idiin nahay Wasaarradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurku waxay qaabilsan tahay wacyigelin Bulshada oo ay wadaniyadu ugu horrayso sharciga iyo nidaamka iyo inuu qofku noqdo qof dhisan oo qiyam leh, maalinti ugu horraysa ee aan imi oo lagu ciyaaray kubad wareeg laga furay oo la gebogebaynayey fikirkaan ka haysta xaruntu wuxuu ahaa meel kooban , lakiin markii aan imi gudaheeda waan u qaadan waayey siday u nidaamsan tahay sida looga shaqeeyey kale dambaynta ka jirta iyo dadka ku jira halkan sida aan Caafimaadkooda oo qudha looga shaqayn, lakiin aayahooga iyo mustaqbalkooda loo dhisayo, runtii Guddoomiye Bashiir waan uga mahadcelinayaa tacabkaas faraha badan ee u geliyey.”Ayey yidhaahdeen
Dhanka kalene waxa isna halkaas ka haddlay Sheekh Aadan Sirro oo kamid ah Culimada waa weyn ee reer Somaliland waxaanu sheegay “Runtii annagu aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa Bashiir iyo kooxdiisa , waxaanu aad uga soo horjeednaa qof muslim ah oo caruurteenii kamid ah oo silsilad uun markiiba lagu xidhay oo u baahan in dib u dejin lagu sameeyo Maskaxdiisa la daaweeyo,dhibaatooyinka haysta si caqli iyo xigmad iyo cilmi ku dhisan loo daweeyo ,waxyaabaha runtii aanu Sahan ku taageersanahay ayey kamid tahay, waxaana marag ka ah halkan aynu fadhino.”Ayuu yidhi Sheekh Aadan
Siddoo kalena Waxa isna halkaas ka haddlay Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Da’uud Axmed Faarax ,waxaanu ku amaanay xarunta Sahan qaabka ay u daryeesho waxna u barto dadka xanuunada dhimirka Qaba “iminkana waxa weeye caalamkii ayaa ogaaday markaa waxaanu leenahay islaam iyo gaalaba illaahay ha usoo wajaafo xarunta, innagana waxan leehaya ninkastoo awoodi karra wuxuu awoodo ha ugu tabaruco xarunta, annagu waxaanu ku tabarucnay shahaadadaas ,nin waliba wuxuu ugu tabaruci karro oo Wasaaraddaha Dowlada ah iyo Ganacsatadeenaba weliba waxaan odhan lahaa tobanka maalmood ee khayrka leh halaga faa’iidaysto oo Sahan ha la ogaado.” Ayuu yidhi Daa’uud
Ugu Dambayn waxa isna halkaas ka haddlay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, waxaanu haddalkiisu u dhignaa sidan “ Maskaxdaydaba kumay jirin meel caynkan oo kale ah ayuu sameeyey amba Hargeysaba ka furan ismabaan odhan , xataa wuxuu diyaariyey ruuxu marka uu soo caafimaado meeshii uu xaaskiisa kula wakhtiga qaadan lahaa khamiista iyo jimcaha oo xamaamkiisuna gudaha ugu yaalo,yacnii hudheeladeena waa weyn ayaan caynkan oo kale ahaynba , Caafimaadka waxa ugu horeeya waa faraxalka iyo nadaafada , runtii waxa weeyaan ilmuhu marka uu xanuunsado silsilad ayeynu ku taagi jirnay uun qam oo cidiba waxba may weydiin jirin, dhimirku waxa weeyaan sida cudurada kale ayaa looga bogsadaa .”Ayuu yidhi Wasiir Buuri