Hargeysa, July 25, 2020- (Foore)- Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ah culimada Magaalada Hargeysa ayaa dhaliilo xooggan u soo jeediyay qorshaha kootada Haweenka ee ururrada haweenka iyo hay’adaha caalamiga ahi dabada ka wadaan ee muddooyinkii ugu dambeeyey sida weyn looga hadal hayay Somaliland isaga oo sheegay in kootada haweenka ee la xidhiidha kuraasta Baarlamanku tahay mid xaaraan ah oo aanay shareecada islaamku marnaba ogolayn arrintaasi, isaga oo sheegay in Islaamku xuquuqaha haweenka meel adag ku tiiriyay oo u sugay, cidda hawshan dabada ka waddaana tahay gaalada Ilaahay fogeeyey oo aan marnaba loo baahnayn in arrintaasi wakhti la isaga lumiyo isaga oo cidda ay khusayso ugu baaqay in la hor joogsado arrintaa oo aan la ogolaan. Halka uu dhaliilo u soo jeediyay kooxo salaadiin iyo cuqaal ah oo arrintan loo soo wakiishay in ay ka hadlaan oo uu ugu baaqay in ay arrintaasi faraha ka qaadaan maadaama aanay shareecadu ogolayn marnaba.
Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo khudbaddiisii Salaadda Jimce ee shalay arrintan ku soo qaatay waxa uu yidhi: “Islaamku isaga ayaa hunguriga iyo huga gurigaba ku waajibiyay ragga oo aan waxba haweenka dusha ka saarin. Ninka ayaa waajib loogu leeyahay in uu masruufka iyo noloshaba keeno isagu haweenaydana waxa uu ka dhigay aalad iyo tawaleed la isku daawado oo guriga la dhigto. Dumaroow waxaad ogaataan in ka madaxweyne u ordaya, ka wasiir u ordaya iyo ka xildhibaan doonayaaba ay idinka idiin soo shaqaynayaan. Mid walba gabadh ayaa dabada kaga jirta oo uu u soo shaqo tagay. Ka kaaryoonaha wata, ka xammaalka ah iyo mid kasta oo shaqaynayaaba intuba dumar ayay u soo shaqo tageen oo idinka ayay idiin soo shaqaynayaan. Maxaad ka faa’iidaysaan in aad ragga garab carartaan. Rag oo dhan baaba idinka idiin dirane maxaa faa’iido idinka soo galaysa in aad garab yaacdaan ragga. Kooto waxba ku heli maysaan oo xuquuqda Islaamku idin siiyay mid ka badan ma heli karaysaan. Haddii la idin doorto, haddii la idin caleemo saaro, wax ka badan waxa ilaahay idin siiyay idiin kordhin mayso. Sidaa darraadeed haddii aad diidaan wanaagga iyo khayrkaa Ilaahay idin siiyay waxa aad dhaxli doontaan Ihaano iyo liidasho. Haweenoow, diintiina Islaamka barta oo fahma oo ku dhaqma. Wax aydaan lahayn haddii aad daydaydaan waxaad tihiin daalimiin. Laakiin wax aad leedihiin haddii aad ku ekaataan cidda idin dulmida Ilaahay baa SWT idiinka hiilin doona”.
Dhinaca kale Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Sh. Cabdiraxmaan Dheere) waxa uu sheegay in ay wax laga xumaado tahay kooxo salaadiin iyo cuqaal ah oo maalmihii ugu dambeeyey ka hadlayay arrintan kootada waxaanu yidhi: “Suldaanka iyo caaqilka inta uu soo istaago warbaahinta leh xuquuqdii haweenka hala keeno raalli miyuu ka yahay in la yidhaahdo gabadha ayaa reerka Suldaan ka noqonaysa ee iskeen oo lagu yidhaa waxa la gaadhay xilligii haweenaydu reerka xukumaysee adigu dhinac u yara leexo. Xaqiiq ogolaan maayo. Haddii la yidhaa haweenka Kooto haloo xidho ku ekaan mayso kootada baarlamankee idinkana way idin soo galaysaaye ogaada. Waxa ay noqonaysaa in aad siisaan kootadii ay madax dhaqameedka ku lahaayeen. Waxa ay xaajadu markaa noqonaysaa reer Ba’oow yaa ku leh. Saddex shay oo aan is qabanayn ayaynu isku walaaqaynaa. Dhaqankeenii, Islaamnimadeenii iyo Dimuquraadiyad aynaan garanayn oo gaalo innoo keentay, markaasaynay dawakhnay”. Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Cabdiraxmaan Dheere).