UJEEDDO: BAAHIN QANDARAAS.
Xafiiska Guddida Qandaraasyda Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ku war gelinayaan dhamaan shirkadlayda dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya hawlaha dhismaha, iyo Cidkasta oo danaynaysa usoo bandhigayaan Sadex mashruuc oo dhisme ah oo loo dhisayo Dawladda Faah-faahinta dhismuhuna waa sidan hoos ku qoran .
S/No | Nooca Dhismaha | Faah-faahinta Dhismaha |
1. | Dhismaha laba Godka oo Qashinka lagu Qubo, iyo dhismayaal kale oo laga dhisayo Degmada Laascaanood Ee Gobolka Sool. | Dhisme Cusub |
2 | Dhismaha Xarunta Degmada Laasqoray | Dhisme Cusub |
3 | Dhismaha MCHka Degmada LaasQoray | Dhisme Cusub |
Warbaahinta
Jaraa’idka: Mudanayaal, waxaan idinka codsanaynaa inaad noo baahisaan mudo 4 Cisho ah oo ka bilaabmaya 25/07/2020 kuna eeg 28/07/2020.
F.G:
Waxa lala socodsiinayaa dhamaan tartamayaasha sharafta leh in Qaadashada Qandaraaska dhismuhu uu xidhmayo 03/08/2020 maalinta isniinta ah saacadu markay tahay 12:00Am, waxaana la furi doonaa Qandaraaska dhismaha, 04/08/2020, Maalinta Salaasada ah Saacadu markay tahay 10:00Am, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddida Qandaraasyadda Qaranka.
Haddaba, Shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismahaas hakala soo xidhiidho xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaala Guriga Shaqaalaha Dhexdiisa ama Galbeedka Cumar Xaashi Building ama soo garaac Telphonadka ah 0634438305 ama 0634400437.
ALLAA MAHAD LEH
Nuux Maxamed Xuseen
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka