Guddida Beesha Bariga Burco Oo Taageeray Hadalkii Boqor Cismaan Buurmadaw, Madaxweyne Biixi-na Ku Eedeeyay Inuu Dagaal Qaawan Kuhayo Ganacsatadooda

0
695

Burco, July 25, 2020- (Foore)-  Guddida Beesha Bariga Burco ayaa taageeray Hadal adag oo toddobaadkan kasoo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay inuu dagaal toos ah ku hayo Beeshooda islamarkaana uu ka tirtirayo Shaqaalaha Dawladda iyo ganacsigaba, waxaanay gudidani sidoo kale Eedo kale oo Culus usoo jeediyeen Madaxweyne Biixi.

Gudidan oo Shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Burco ayaa ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye Xigeenka Gudida Beesha Habarjeclo Cismaan Xirsi Jaamac waxaana uu yidhi  “Anagu waxaanu nahay Gudidii Guud ee Habarjeclo, la noogama baran inaanu Tv-ada ka hadalno, Dawladda ka dhaliilno, Laakiin Maanta waxaanu ka adkaysa kari weynay ayaa noo muuqda, Dawladdani waa dawladdii aanu dhisnay, ee Reerku taageeray, Laba Gacmoodba iskugu geeyay, Laakiin waxaanu ka filan waynay ayaa noo muuqda, Arimahaasi waxaa ka mid ah Xilalka, Muuse Biixi kuwii uu ugu yimid, iska daa wax uu taree, ayuu dhamaan ka dhameeyay, waxaanu odhan karnaa 70% wuu ka saaray”.

Sidoo kale waxa uu yidhi “Iyadoo ay sidaasi tahay uunbaanu islahayn waxbaa is badelaya, maanta waxaa dhacday oo uu u soo dhigtay inuu qof kasta oo jooga meel oo baayac mustari ah oo arin yar wada kuwa ugu yar yar ee ugu hooseeya illaa kuwa ugu sareeya ee ugu waa weyn inuu mid walba cuno qabatayn u dhigto, isagoo si guud ugu soo dhiganaya inay wax walib gacmihiisa yimaadaan, waxaanu leenahay Madaxweyne Gumaysigii laga cararay ayaa muuqda, uma dul qaadanayno, kuwii yar yaraa yaa la haystaa, diyaaradihii kuwii kamasuulka ahaa ayaa la haystaa, kuwii Shidaalka ka masuulka ahaa ayaa la haystaa, kuwii shidaalka kamasuulka ahaa ayaa la haystaa, kuwii warshad yar meel ka sameeyay ayaa la haystaa, mid aanu u dulqaadanayno maaha, mid aanu xamili karno maaha”.

Sidoo kale Xoghayaha Gudida Keyse Jinje ayaa isna waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Maanta halkii laga dagaalmay ee Dawladdii Siyaad Barre lagu dumiyay ayay maraysaa, Mid laga aamusi karayo maaha, Madaxweyne Inta kuu hadhay ee Ganacsata ah iyagana ka qaad, Mar haddii aad u badheedhsan tahay waxba hala hadhin, Beeshuna way tashan doontaa, talo ayay ka gaadhi doontaa arimaheedda, dhamaan waxaanu taageersanahay oo uu matalaa Boqor Buurmadaw, Waanu taageersanahay Hadalkiisaasi, waana biyo kama dhibcaan,Hadalka Boqorku yidhi waanu taageersannahay”. Ayay yidhaahdeen xubnaha Guddidani.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here