Ganacsatada Somaliland Ee Saamiyada Ku Leh Telefishanka ASTAAN TV Oo Cambaareeyey Xadhigga Loo Gaystay Maamule Cabdiraxmaan

0
634

Hargeysa, July 25, 2020- (Foore)- Guddoomiyaha Board-ka Telefishanka Astaan Cable, ahna wakiilka inta badan saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable Mudane Axmed Maxamed Jaamac ayaa bayaan uu ku saxeexan yahay oo warbaahinta loo qaybiyay waxa uu ku cambaareeyay xadhiga Magaalada Hargeysa loogu geystay Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed oo ah maamulka guud ee shirkadda Astaan badhtamahii bishan kaasi oo wali ku xidhan Hargeysa.

Bayaanka guddoomiyaha saamilayda Somaliland ee Telefishanka Astaan waxa uu u dhignaa sidan: “Anigoo ah Axmed Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Board-ka Astaan Cable, ahna wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable waxaan cambaareynayaa xadhiga lagula kacay Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed oo ah Maamulka Guud ee Shirkadda Astaan, oo 17-kii bishan July lagu xidhay magaalada Hargeysa, iyadoo aan loo soo marin sifo sharci ah, isla markaana loo oggolaan qareen iyo ehelkiisu inay booqdaan.

Xadhigga Cabdiraxmaan maalmo ka hor waxaa si sharci-darro ah culeys loogu saaray in la iga wareejiyo saamigii aan ku qornaa shirkadda Astaan Cable ee aan wakiilka uga ahaa ganacsato badan oo reer Somaliland ah anigoo haatan dalka ka maqan, kuna sugan dalka India si looga dhigo in shirkadda Astaan Cable 100% laga leeyahay Koonfurta Soomaaliya, ka dibna qiil loogu sameeyo sidii loo dhici lahaa hantideeda, taas oo ah wax ka baxsan sharciga, kana hor imanaysa maalgashiga dadka u dhashay Somaliland, isla markaana saameyn xun ku yeelan doonta ganacsatada reer Somaliland ee maalgashiga ku sameeya koonfurta Soomaaliya.

Fekerka Astaan Cable in Hargeysa laga hirgeliyo aniga ayuu igu dhashay, waxaanan ula tagay Shirkadda Astaan, waxaanan ku guuleystay inaan saami xooggan ka soo ururiyo ganacsato badan oo reer Somaliland ah, sidoo kalena soo helo ruqsaddii ay shirkaddu ku hawlgaleysay. Waxaana ku shirkownay aqoonta farsamo iyo waaya-aragnimada Astaan ee ay u leeyihiin adeeggan iyo hantidii reer Somaliland iyo aqoontii aan u lahayn warbaahinta Somaliland.

Isku-biirinta hantida reer Somailand iyo aqoonta farsamo ee Astaan waxaa ka dhashay Shirkadda Astaan Cable, waxayna gaadhay guulo waaweyn oo ay sabab u ahaayeen hal-abuur cusub.

Shirkadda Astaan Cable waxay magaalada Hargeysa ka shaqaaleysiiyay in ka badan 120 shaqaale joogto ah oo reer Somaliland ah oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee shirkadda. Waxaan fursado dhaqaale u abuurnay ganacsiyada yaryarka ah ee qalabkeena ku sii iibiya gudaha caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo boqol ku dhow. Waxaan soo nooleynay fankii hore oo sii duugoobayay, annagoo fursado dhaqaale u abuurnay fannaaniinta iyo kooxaha miyuusigga. Waxaan xiiso u yeelnay isboortiga Somaliland, gaar ahaan horyaallada kala duwan.

Waxaa nasiib darro ah in markii shirkaddu ku guuleysatay oo hanatay dareenka macaamiisha Somaliland in la soo maleegay qorshe la doonayo in lagula wareego, loogana dhigo inay tahay shirkad aan laga lahayn Somaliland oo xoolaheedu xalaal yihiin, waxaanan arrintani gadaal ka riixaya dad doonaya inay sameeyaan adeeg noocan oo kale ah oo hore isugu dayay inay saami xoog ah naga qaataan.

Astaan Cable maanta waxay mudneyn in billad Sharaf lagu siiyo waxyaabaha ay soo kordhisay Somaliland ee ma mudneyn in lagu dhibaateeyo hal-abuurka ay soo kordhiyeen iyadoo loo adeegsanayo awood dawladeed.

Ganacsatada kale ee hore suuqa hore ugu jidhay ama kuwa cusub ee haatan qalabka rakibanaya ee doonaya inay suuqan soo galaan waxaan ku soo dhoweyneynaa gacmo furan, waxaana ku boorrineynaa inay suuqa ku soo galaan tartan nadiif ah, balse aanay ku soo gabban awoodda dawladeed. Waxaan ka codsanayaa inta samaha jecel inay noo hiiliyaan, isla markaana muujiyaan in Somaliland la wada leeyahay. Waxaan rajeynayaa in sharcigu guuleysan doono”. Baaqan waxa ku saxeexan Guddoomiyaha saamilayda astaan

Axmed Maxamed Jaamac

Guddoomiyaha Board-ka, ahna Wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee Astaan Cable. Mobile: +91-70938994998

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here