Dalalka Reer Galbeedka Oo Sas Ka Qaaday Hub Culus Oo Uu Ruushku Hawada Sare Ku Tijaabiyay

0
620

Washington, July 25, 2020- (Foore)- Waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa walaac weyn iyo sas ka qaaday Hub culus oo cusub oo Waddanka Ruushku ku tijaabiyay hawada sare.

Mareykanka iyo Britain waxa ay Ruushka ku eedeeyeen in uu Hawada Sare uu ku tijaabiyay hub casri ah oo shucaac ah, kaas oo loo adeegsan karo burburinta dayax-gacmeedyada hawada ku sugan. Arrintaasi oo ay walaac weyn ka muujiyeen. Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa walaac cusub ku tilmaamtay wax ay ku qeexday “hub u muuqda mid lagu isticmaali karo Hawada Sare oo lid ku ah dayax-gacmeedyada”. Wasaaradda Difaaca ee Ruushku waxay sheegtay in ay isticmaashay teknoolajiyad casri ah oo ay ku eegeyso sida ay u shaqeynayaan qalabkeeda u yaalla Hawada Sare ee dhulka ka fog. Mareykanka ayaa horeba walwal uga muujiyay dhaqdhaqaaqa cusub ee dayax-gacmeedyada Ruushka ee ka socda Hawada sare. Balse waa markii ugu horraysay ee Waddanka Ingiriisku ay eedeyn u jeediso Ruushka oo ah inuu tijaabinayo hub Hawada Sare dhexdeeda uu ku riday.

Maalmo ka hor, baadhitaan laga sameeyay Britain waxaa lagu ogaaday in dowladda UK ay si wayn u yaraysatay halista Ruushku uu sababta u noqon karo.

War-qoraal ah oo Khamiistii ka soo baxay Kaaliyaha Xoghayaha Amniga Qaranka Mareykanka, Christopher Ford, waxaa lagu sheegay in xukuumadda Moscow ay “Munaafaqad tahay” ka dib markii ay dalbatay in la xakameeyo hubka ku sii ballaadhanaya Hawada Sare. “Moscow waxay dooneysaa in ay awooddeeda sii xoojiso iyadoo si cad u dooneysa in ay xakameyso midda Mareykanka, dhankeedana ay sii wadato,” ayuu yidhi kaaliye Ford. Madaxa Guddiga arrimaha hawada ee UK, Harvey Smyth, wuxuu sheegay in uu ka walwalsan yahay tijaabadii ugu dambeysay ee Ruushka uu sameeyay, taas oo uu ku tilmaamay hub halis ah. “Ficilladan oo kale waxay halis gelinayaan amniga Hawada Sare, waxaana halis noqonaya firidhka ka dhasha oo ku dhici kara dayax-gacmeedyada iyo hannaanka hawada ee dunidu ay ku tiirsan tahay,” ayuu yidhi. Wuxuu Ruushka u sheegay in ay masuuliyad iska saaraan arrintan iyo in ay ka fogaadaan tijaabo noocan ah oo mustqbalka ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here