Hargeysa, July 23, 2020- (Foore) – Wafti Ballaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka maaliyadda Dawladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide ayaa shalay soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa halkaasi oo si Weyn ay usoo dhaweeyeen Xubno sare oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.
Waftigan oo la sugayay islamarkaana hore loo sii hadal hayay ayaa shalay kasoo degay Garoonka Cigaal ee Diyaaraddaha ee Magaaladda Hargeysa galinkii hore,Waxaana si toos ah loo geeyay huteelka ay xalay u hoydeen, iyadoo sida warkan aanu ku helnay waftigani watay Istaaf culus iyo gaadh u khaas ah oo ilaalo ah.
Inkasta oo aad loo adkeeyay in wax xog ah laga helo, hadana Marka laga yimaado Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide, Wararku waxay sheegayaan oo waftiga la socda saraakiil sare oo ciidan iyo masuuliyiin heer faderaal ahba kuwaasi oo ay qaarkood tahay markii ugu horaysay ee ay yimaadaan Somaliland ama ay soo raacaan Waftiga itoobiyaan ah oo dalka Somaliland soo gaadha.
Majiro warbixin rasmi ah oo ujeedada ay u yimaadeen waftigani ku saabsan oo kasoo baxay Dhinaca Xukuumadda balse warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in waftigan u socday arimo siyaasadeed islamarkaana ay daba socdeen wafti kale oo dalka Masar ka socday oo Somaliland booqasho ku yimid, kaasi oo sas ku riday dalka Itoobiya maadaama oo uu jiro khilaaf xoogan oo hadda u dhexeeya Dalalka Masar iyo Itoobiya oo ku salaysan Biyaha Webiga Niilka islamarkaana aad looga baqo qabo inuu dagaalba dhex maro.
Waftigan ayaa sida la sheegay inta ay joogaan waxay kulan gaar ah la qaadayaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyagoo si gaar ah sida la sheegay ugala hadli doona ujeedada iyo ubucda arimaha ay u socdaan oo ay uga horayso sidii kor loogu sii qaadi lahaa sii xoojintay Cilaaqaadka iyo xidhiidhka saaxiibtimo ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Wararka hor dhaca ah ee laga helayo Waftigan ayaa sheegaya in arimaha ugu culus ee ay wadaan ay tahay inay boodhka ka jafto islamarkaana kor qaado Itoobiya Xafiiska ay ku leeyihiin Hargeysa islamarkaana ay balan qadaan inay ka dhigayaan Safaarad Buuxda, walaw la sheegayo inuu la socda safiirkii loo soo magacaabay maadama oo in muddo ah Aanu safiir u joogin halkan.