Qoraalkan waxa ynu kaga jawaabi doonaa su’aalo la iska waydiiyo “Muxuu qofku u luloodaa markuu wax akhriska billaabo?. Waa cillad ay ka sheegtaan dad badan, waxayna ku timaaddaa dhowr arrin oo badankeed khaladku leeyahay qofka wax akhrisanayo, bal marka hore aan ka haddalno siday hurdadu ku timaaddaa markii wax la akhrinayo.
Qofku markuu wax akhrinayo, indhuhu waxay hayaan shaqo muhiim ah iyagoo sadarrada wax ku qoran indhaha marba dhinac ula raacraaca, tani waxay keenaysaa in maskaxduna ay wixii la akhriyaba isla markii ay macno u yeesho oo ay tarjunto, hadduu qofka sidaa ku wadan dhowr daqiiqood, indhuhu way daallaan oo maskaxdu waxay faraysaa si indhuhu u nastaan in la isku qabto, halkaan ayuuna qofka hurdo ku galaa, khaasatan hadduu qofka uu daallan yahay ama sariir wax ku dul akhrinayo. Waa maxay khaladaadka la sameeyo oo hurdada soo dadajiya marka wax la akhrinayo?
Hurdo xumada: qofka aan helin hurdo ku filan ama saamalaylkiisu uu badan yahay, badanaa wuu ku dhex hurdaa wax akhriska iyo markastuu meel lagu hurdi karo salka dhigo.
Jimicsi La’aanta: hadduu qofka noloshiisa u badan tahay nasiinno, jimicsi la’aan iyo firfircooni, akhrisku dhib ayuu ku yahay, si dhakhso ah ayuu u luloodaa.
Indho-daalka: hadduu qofka indhihiisa ku daalliyo waxyaabo kale sida daawashada TV-ga iyo isticmaalka Computer-ka, indhuhu awood uma yeelan karaan in wax la akhriyo, taasina waxay keenaysaa in la luloodo.
Xilliga wax la akhriyayo: Dadka badanaa ku dhex lulooda wax akhriska, waxay wax akhriyaan xilliyo aan munaasib ahayn sida xilliyada hurdada, duhurkii ama habeenkii.
Meesha wax lagu akhriyayo: Waxay ka qeyb qaadataa in aad lulooto hurdo aadan ku tala galin, dad baa jecel in ay jiif wax ku akhriyaan ama sariir dusheed ama kuraaska qolalka fadhiga la dhigo, ka fogow meelaha hurdadu si dhakhso ah kuugu imaan karto.
Sidee Looga Fogaadaa Hurdada Xilliga Wax Akhrista?
-Hel hurdo kugu filan, iskana ilaali saamalaylka badan
– Noqo qof firfircoon oo dhaqdhaqaaq sameeya nolol maalmeedkiisa, ha noqon qof raaxada jecel si aanad u caajisin marka aad howl qabanaysid
– Isku day in aad wax akhridid xilliyada aad firfircoon tahay khaastan markaad hurdada ka soo kacdid oo maskaxdaadu u sahlan tahay in ay wax qabato sida salaadda subax kadib iyo hurdada duhurkii kadib
– Ha ku akhriyin meel aan wax akhris loogu tala galin, isticmaalka kuraasta iyo miiska wax akhrinta, hana wax ku dhex akhriyin qol iftiinkiisu uu yar yahay.
– Xoogaa markaad wax akhrido socsoco, oo ka bax qolka aad wax ku akhrinaysid si aad ugu soo laabatid wax akhrinta adigoo firfircoon.
– Marka aad wax akhriyaysid isku day in aad ku dhex wadid wax qorista, tani waxay yaraynaysaa in aad lulooto.
– Haddii adigoo intaa sameeyay aad haddana lulo iska kari la’dahay, isticmaal xanjo marka aad wax akhriyaysid, tani waxay yaraynaysaa jaaniska in aad hurdo dareento adigoo xanjo ruugaya.