Halista Caafimaad ee Laga Dhaxlo Soo Jeedka Badan Ee Habeenkii (Saamalaylka)

0
2621

Soo Jeedka badan iyo hurdo la’aanta waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin badan oo kala duwan. Waana dhibaato ka mid ah hab-dhaqannada cusub ee wakhtigan shacabka adduunku la soo baxeen gaar ahaan in uu qofku wakhtigiisa habeenimo ku qaato soo jeed macno la’aan ah sida isticmaalka badan ee baraha Bulshada iyo guud ahaan isticmaalka taleefannada iyo daawashada shaashadaha Telefishannada.

Maadaama caalamku is baddalay oo habeenkii iyo maalintii isku mid noqdeen xagga dhaqdhaqaaqa waxaa aad u soo baxay dhibaatooyin badan oo la xidhiidha hurdo la’aanta ama saamalaylka habeenkii taasoo ina dareensiineysa ahmiyadda hurdada iyo faa’iidooyinka caafimaad ee ay hurdadu wadato.

Soo Jeedka habeenkii waa wax khilaafsan sunnaha EEBE SWT ugu tala galay bini’aadanka, Ilaahay SWT wuxuu quraankiisa ku xusay dhowr meelood in habeenkii loogu talagalay daganaan iyo hurdo, maalintiina nolol iyo dhaqdhaqaaq, qofka bini’aadankana labaduba aanu ka maarmi karin. Maalintii oo la shaqaysto iyo habeenkii oo la nasto. Fikradda khaldan ee ay dadka qaar aaminsan yihin ayaa ah, haduu qofku habeenkii soo jeedo, maalintiina uu hurdo in ay ku filan tahay oo uu faa’iidadii hurdada helayo. Taasi waxba kama jiraan waxaanay ka hor imanaysaa sunnihii iyo sidii Alle SWT ugu talo galay geeddi socodka nolosha dadka. Isaga abuuray ayaana cid walba uga xog-ogaalsan halka dantoodu ku jirto.

Taasi sax ma aha, daraasado badan oo la sameeyey, waxaa la arkay in qofka bani aadanka jidhkiisu aanu isku si u shaqaynin habeenkii iyo maalintii, habeenkii maadaama loogu tala galay nasiimada iyo hurdada, unugyo badan oo jidhka ka tirsan waxaa eebe uu ku habeeyey in ay shaqada yareeyaan ama hakiyaan iyo xubnaha qaar ay yareeyaan wax soo saarkooda sida qanjidhada soo daaya hormoonada iyo dheecaanada jidhku uu u baahan yahay, maalintiina waa caksi oo qeybo badan oo nasanayay habeenkii ayaa la howl galiyaa habeenkii, sidaas awgeed hurdada maalintii ma gudi karto midda habeenkii.

Dadka habeenkii shaqeeya ama soo jeedaa waxay la kulmaan dhibaatooyin ka dhasha culeys saarista jidhkooda oo u baahnaan lahaa xilli nasasho tanina waxay dhalisaa dhibaato dhowr ah, waxaana ka mid ah:

– Hurdadu waxay kobcisaa difaaca jidhka waxay awood dheeraad ah iyo firfircooni siisaa unugyada jidhkeena ee Eebe ugu tala galay inay ka hortagaan waxyaabaha jeermiska ah, sidaas awgeed soo jeedka iyo hurdo la’aanta joogtada ahi waxay keentaa in qofka jidhkiisu uu iska difaaci kari waayo xanuunnada.

– Hurdadu waxay yaraysaa miisaanka qofka, soo jeedkuna wuxuu keenaa cayil iyo buurni, waxay cilmibaadhayaashu arkeen in dadka soo jeeda habeenkii in ay boqolkiiba 30% ay kaga halis badan yihiin cayilka dadka hurdada hela, taasina waxaa lala xidhiidhiyay in hurdo yaridu ay yareyso maaddo la yidhaahdo “leptin” taasoo qofka dherega dareensiisa waxuu kaloo saamalaylku kordhiyaa maadada loo yaqaano “Gherlin” oo ah hormoonka qofka dareensiiya gaajada.

– Hurdadu waxay kordhisaa caafimaadka iyo dareenka maskaxda, qofka saamaleelaa wuxuu dareemaa subaxii daganaansho la’aan iyo inuu si sahlan ku xanaaqi karo maadaama dareemadiisu ay kacsan yihiin oo habeenkii oo dhan shaqo ku jireen, hadduu qofku soo jeedkaa u barto waxay keentaa niyad jab, diiqo iyo welwel, daraasad lagu sameeyay dadka laga daaweeyo diiqadda in ay badankoodu helin hurdo ku filan ama ay ku badan tahay saamalaylku.

– Hurdadu waxay ka hortagtaa Sonkorta iyo Kaadi macaanka, waxaa la arkay dadka soo jeedkoodu badan yahay habeenkii inay halis ugu jiraan cudurka macaanka noociisa 2-aad taasoo ka dhalanaysa wareer ku yimaadda qaabka jidhka uu u xakameeyo ama u kontaroolo Sonkorta cuntada laga helo.

– Soo Jeedka Habeenkii wuxuu yareeyaa hammiga kacsiga qofka, waxaa la arkaa dadka saamaleelaa inay ka hammi yaryihiin dadka hela hurdada habeenkii

– Soo Jeedka habeenkii ee muddada dheer ah wuxuu keenaa in wadna garaacu uu siyaado, taasina waxay keentaa in cadaadiska dhiiggu uu bato tanoo culeys saari karta wadnaha, sidaas awgeed wuxuu qofka saamaleelaa halis ugu jiri karaa xanuunnada wadnaha ku dhaca.

– Saamaleelku waxa uu ragga iyo dumarkaba si iskugu mid ah u yareeyaa hormoonada u xilsaaran tarmidda iyo uureynta, hadduu soo jeedkaasi habeenkii joogto noqdana waxay dhakhaatiirtu ka digaan in qofka madhalaysnimo ay u keento taasoo ka dhalatay khalkhal galay hormoonnadaas.

Talooyin:

1- Haddii aad ka mid tahay dadka saamaleelka jecel waa in aad ku dadaashaa sidii aad u heli lahayd hurdo kugu filan habeenkii adigoo ka fogaada waxyaabaha  kuu keeni kara soo jeedka. Waxaa laga yaabaa in aad aamisan tahay in aad u baahan tahay saacado kooban oo hurdo, in aad soo jeedi karto, subaxiina aad shaqadaada tagi kartid. Tani waa mid aan suuro gal ahayn ee waxaad u baahan tahay saacado badan oo habeenimo oo hurdo ah ugu yaraan u saacadood.

2- Haddii aad shaqaysid habeenkii, ku dadaal in aadan joogto ka dhigan shaqadaas, waxaadna awood sharci ah u leedahay in shaqo habeen si joogto ah laguugu qori karin iyadoo ay suura gal tahay in aad maalintii shaqeyso ama aad is baddashaan dadka kale ee aad isla shaqeysaan.

3- Haddii aad tahay dadka habeenkii soo jeeda, ka fogow waxyaabaha keeni kara in hurdada kaa fogeeyaan sida kaffeega iyo cabitaanada laga helo energy-ga, tani waa dhibaato lagu daray dhibaatadii dhafarka, waxaad jidhkaaga saaraysaa culeys dheeraad ah, waxay la mid tahay adigoo baabuur matoorkiisu kululaaday aad rabtid in aad sii waddo oo aad xawaare kusii kaxayso!.

Iska ilaali in aad maandooriye ku darto soo jeedka sida qaadka iyo waxyaabo kale oo sidooda kaleba halis ugu jira jidhka.

4- Dhakhatiirtu waxay sheegaan in hurdada la qallayn karo oo wixii soo jeedku uu gaadhsiiyay jidhkaaga in la yarayn karo usbuucyo illaa bilooyin gudahooda, dhibaatada iyo dhaawaca jidhka gaadhay waxay ku xidhan tahay muddada soo jeedka iyo nooca shaqada ee lagu saamaleelay, kullamaa qofka shaqada uu habeenkii uu qabto ay badan tahay ama u baahan tahay in jidhka iyo maskaxda aad looga shaqeysiiyo kullamaa dhibaatadu ay badan tahay ama ay soo degdag ogtahay.

Waxa lagula taliyaa qofka raba inuu ka hortago ama yareeyo dhibaatada saamalaylka mudda uu ku soo jiray in uu saacado dheeri ah uu hurdo habeenkii, huradadaasi oo ah mid aan buuq lahayn, waxaa lagula taliyaa in qofku uu 10 saac oo hurdo joogto ah uu helo si uu u soo gudo deyntii hurdada lagu lahaa.

5- Haddii aad ka mid tahay dadka ku saamaleela isticmaalka internetka ama daawashada filimaanta, ka fakar mustaqbalka caafimaadkaaga, iskana jooji caadadaas oo haddii aad muddo dheer aad wadid kuu keeni karta dhibaatooyinka kor ku xusan.

6- Xanuunada laga dhaxlo khilaafista sunnaha nolosha ee eebe waxay ku tusinayaa in jidhka bini’aadanka loogu talagalay si kontorool leh inuu u noolaado, hadduu caksigeeda uu sameeyana wuxuu ka dhaxlaa dhibaatooyin aadan waqtigaas dareemi karin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here