“Aqbali Mayno Qorshaha Degmooyinka Maxamuud Haybe Iyo Axmed Dhagax Lagaga Jarayo Kuraastooda Golaha Deegaanka, Waa In Dadku Isku Soo Baxaan”

0
772

Hargeysa, July 23, 2020- (Foore)- Boqor Raabbi Yuusuf Cabdullaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Maroodi Jeex ayaa si adag uga hadlay qorshe uu sheegay in la diyaariyay oo lala damacsan yahay in lagu dhimo tirada xubnaha Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa isaga oo Boqorku sheegay in ugu yaraan 8 Xildhibaan laga dhimayo Tiradii hore ee Golaha Deegaanka Hargeysa ee 25-ka xildhibaan ahayd isaga oo xusay in xubnaha la dhimayo laga goynayo Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax.

Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu Bulshooyinka Degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ugu baaqay in ay isugu soo baxaan sidii y danta deegaankooda uga hadli lahyeen, halka uu sidoo kale baaq u diray xildhibaanad golaha deegaanka ugu jira demooyinka uu sheegay Boqorku in xildhibaanada laga jarayo doorashada soo socota. Isaga oo arrimahaasi iyo kuwo kaleba ka hadlaya waxa uu yidhi: “Waxa aad ogtihiin in la yidhi waxa la galayaa doorashadii golaha deegaanka iyo Golaha Baarlamanka. Golaah Deegaanka Hargeysa Musuq baa ku jira. Golaha Deegaanka Hargeysa waxa aad ogtihiin in uu ahaa 25 Xubnood. Waxa la jaray 8 xubnood. Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax iyo Gacan Libaax waa Deegaankii Magaalada Hargeysa lahaa ee loogu yimid ee martida loo ahaa. Markii la dhimayay tiradaasi yaa matalayay oo u matalayay. Maxaase lagu saleeyey. Maxayse tahay tiradaasi la dhimay. Dantase laga leeyahay maxay tahay. Marka aan ka jawaabo danta laga leeyahay qodobkii 12aad ee canshuuraha lagu midaynaayay ee cid gaar ah loo siinayay canshuurta ayuu la mid yahay kani. Waxaana looga jeedaa 17-ka xubnood inta loo samaysto nidaamka imika loo sameeyey dabadeetana deegaankii magaalada lahaa xabbad iyo laba ay ka helaan ama wax aan dhaamin ay ka helaan. Kadib taariikhda loo galiyo laguna gorgortamo cidda lagula gorgortamayo ee sharciga loo sameeyey. Meesha Isha Gobka la yidhaa ee degmada Maxamuud Haybe ayaa kaantaroolkeedu yaallaa degmada Sallaxlay, xaafadaheediina waxa la yidhi Maxamuud Haybe uunbaa goob doorasho ah. Waa khiyaamo aan geedna loogu soo gabban. Khiyaamadaasi waxaan leeyahay deegaanku haka digtoonaado. Ha la is waydiiyo cidda 8 da xubnood ka goysay 25 kii xubnood. Ciddii matalaysay deegaamadaasi aan soo sheegayna ha yimaaddaan, Bulshada ha u yimaaddaan oo ha sheegaan. Haddii aanay cidina kaga jirina waxaannu leenahay waxba kama jiraan. Xaafadda Axmed Dhagaxna sidoo kale. Xaafaddii maalintii dhawayd laga raray Birjeex halka la dejiyay ayaa iyagana Kaantaroolkii Balli Gubadle la keenay. Waxa la yidhi halkaa cod kama imanayo oo xaafadda oo kali ah ayuu ka imanayaa baa la yidhi. Waxaan leeyahay waa khiyaamo sideeda u cad, waxaan leeyahay deegaanku ha kaco. Ha diidaan qorshahaasi waa qorshe khiyaamo ah. Waa in ay isku soo baxaan oo xaqooda doontaan oo is waydiiyaan kolba shaxdan loo dhigayo ee aanay matalaadda ku lahayn waxa ay ku timid”.

Intaa kadib waxa uu Boqor Raabi is waydiiyay sababta loo gooyay 8-da xildhibaan ee uu sheegay in laga gooyay tiradii xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa oo dorashada dambe noqon doonaan 17 Xildhibaan waxaanu yidhi: “Waxa is waydiin leh sababta loo gooyay 8-da Xildhibaan. Ha sheegaan sababta. Cidda deegaamada matalaysa ha yimaaddaan oo umadda ha u sheegaan oo yaanay annaga noo hoosaasin waxa kolba loo qarinayo ee jin dagaagay watee. Ha la is waydiiyo. Dadka reer Hargeysi ha isku soo baxaan oo waxooda ha raadsadaan, xaqbay u leeyihiin in ay waxa khuseeya deegaankooda ka hadlaan. Doorashada ma diidanin ee waxaanu dooddanahay xaq-darrada iyo sharci darrada. Ma ogolin xaq-darro”. Ayuu yidhi Boqor Raabbi Yuusuf Cabdullaahi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here