Tigreega Oo Guux Iyo Cadho Ka Muujiyay Booqashada Abiy Axmed Ku Marayo Eretariya

0
723

Asmara, July 21, 2020- (Foore)- Booqashada Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ku marayo waddanka Eretariya ayaa guux badan oo gudaha ah ka dhalisay dalka Itoobiya gaar ahaan ismaamulka Tigreega dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay booqashadaasi walaac weyn ak qabaan oo ay aad uga xun yihiin iyada oo aan la fahmin ujeedada Abiy Axmed uu gaar ahaan ku booqday Dugsiga Tababarka ciidamada eeretariya ee Sawa.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed oo booqasha laba malmood ah ku soo maray dalka Eritrea ayaa wuxuu booqday Saldhigga ugu weyn ee lagu tababaro ciidamada Eritrea ee Saawa.

Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaayas Afwarqi oo wada socda ayaa booqday saldhigga lagu tababaro ciiddamada Eritrea ee Sawa, waxayna halkaasi kula kulmeen dufacaddii 33-aad ee ciidamada Eritrea oo iisu diyaarinay qalinjabintooda.

Dugsiga tababarka ciidamada Saawa oo la aasaasay 1994-kii ayaa 26 sano ee ugu dambeeyey ahaa dugsi ay ciidamada ugu badan Eritrea tababar ciidan ku qaataan.

Abiy Axmed oo marar badan Eritrea booqasho ku tagay waa marki ugu horreysay uu dugsigaasi booqdo.

Hadalhaynta ugu weyn ee ka dhalatay booqashada Abiy ee Sawa ayaa ah madaxda caalamka ee booqashada ku taga dalka Eritrea inaan looga baran iney saldhiggaasi si toos ah u booqdaan, taasoo Ra’isal wasaaraha Itoobiya ka dhigeyso hoggaamiyihi ugu horreeyey oo si rasmi ah u booqdo saldhiggaasi.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gabre-mesqal wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray madaxda labada dal in dugsiga Saawa ay si kadis ah u booqdeen balse booqashadooda uusan ahayn mid horay u qorsheysnaa.

SAAWA

Hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo la sheegay iney ka wadahadleen arrima la xidhiidha siyaasadda geeska Afrika haddana labada dowladoodaba kama soo bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan wadahadalkoodaasi.

Kulammadoda oo u muuqday mid albaabbada uu u xidhnaa oo aan la shaacin wixi ay ka wada hadleen.

Warbahinta dowladda Eritrea waxay baahiyeen oo keli labada hoggaamiye iney ka wada hadleen arrima quseeya siyaasadda geeska Afrika ee ay labada dal ka mideysan yihiin.

Haseyeeshee, dadka u dhuundaloola siyaasadda labada dal waxay sheegeen iney booqashada Abiy qayb ka tahay dadaal uu Madaxweyne Isaayaas wado oo uu ku dhexdhexaadinayo Itoobiya iyo Masar isaga oo dhawaan booqday dalka Masar.

Ra'isal wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaayaas Afwarqii

Tan labaadna ay noqon karto labada hoggaamiyey iney ka wadahadleen khilaafka arrimaha xadka ee labada dal u dhaxeeyey oo u baahan in xal waara la gaaro iney ka wada hadleen.

Madaxweynaha Eritrea Isaayaas Afawarqii oo bishi February telefishiinka dalkiisa la hadlay wuxuu sheegay arrimaha ka socda gudaha dalka Itoobiya iney faraha ka laabaneyn, hadalkaasi oo lagu tilmaamay xidhiidhka labada dowladood u dhaxeeya inuu soo xoogeystay.

Madaxweynaha deegaanka Tigreega Debre-tsion Gebre-sillase oo kulankan ugu dambeeyey ee ay yeeshen labada hoggaamiye walaac ka muujiyey wuxuu sheegay inuu xisbiga deegaankaasi hoggaamiya ee TPLF iyo xukumadda degaanka Tuigreegaba ay soo gaarayaan cadaadisyo siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba uga imanayo.

Wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu cadaadiska ugu badan uga yimaaddo seeddex kooxood “Xisbiga barwaaqo ee talada dalka Itoobiya haya, Xisbiga Shacbiya ee Eritrea hoggaamiyo iyo xoogag labadaasi u shaqeeya” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here