Riyadh (Foore)-Boqor Cabdicasiis Aala Sacuud oo oo 84 jir ah ayaa saaka la dhigay Cisbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Riyaad, isaga oo xaalad Caafimaad ka haysato dhinaca kaadi haysta, sida ay maanta sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.
Boqorka oo dalka Sacuudiga xukumayey tan iyo 2015-kii ayaa mari doona tijaabaajooyin caafimaad oo dheeraad ah, sida ay sheegtay wakaaladda oo aan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.
Kadib markii warkan la shaaciyey, ra’iisul wasaaraha waddanka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa hakiyey booqasho la jadwaleeyey inuu ku tago Sacuudiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farxaan Aal Sacuud.
Boqor Salman ayaa laba sano iyo badh ahaa dhaxal-suge laga soo billaabo 2012, kahor inta aanu noqon boqor sannadkii 2015-kii. isaga oo wixii intaa ka horreeyey ahaa muddo ka badan 50 sano badhasaabka gobolka Riyadh oo ah Gobolka ay ku taallo Caasimadda Riyaad.
34 jirkan ayaa waxaa aad u taageera da’ yarta Sacuudiga sababo la xidhiidha isbedellada uu sameeyey isaga oo fududeeyey qaar ka mid ah xayiraadihii arrimaha bulshada ee ka jiray dalkaasi muddoda dheer, kadib markii xuquuq dheeri ah siiyey haweenka, islamarkaana ballan-qaaday isbedel dhaqaale.
Hase yeeshee isbedelladaas ayaa waxaa dhinac socday cabudhin lagu hayo xubno ka tirsan boqortooyada, dagaalka Yemen ee dadka badan lagu laayey iyo dilkii fadeexadda reebay ee weriye Jamal Khaashuqji oo lagu eedeeyey Maxamed Bin Salmaan.
Boqor Salmaankan imika xanuusanayaa waxa uu muddo badan ahaa bukaan socod isaga oo mar hore uu haleelay cudurka qallalka ama faalijku.