Wararkii Ugu Dambeeyey Kulankii Shalay Lagu Kala Kacay, Magacyada Labada Suldaan Ee U Tanaasulay Qabsoomidda Doorashada, Salaadiinta Gaashaanka Ku Dhuftay Iyo Xaaladda Saluuga Saamiga Gobolka Awdal

0
888

Hargeysa, July 20, 2020- (Foore)- Kulan gaar ah oo ay shalay Galinkii hore goradda isku galiyeen saddexda Xisbi qaran iyo Madaxtooyda oo dhinac ah iyo Salaadiinta Dhaqanka Beelaha Gobollada Awdal iyo Salal oo dhinaca kale ah ayaa gabi ahaanba lagu kala kacay oo la isku fahmi waayay kadib markii inta badan salaadiintii ka socday Beelaha Gobollada Awdal iyo Salal ay gaashaanka ku dhufteen in deegaamada ay dhaqanka u yihiin aanay doorashada soo socota ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ku galayn sidoodii haddaan wax laga baddalin saami qaybsiga kuraasta Wakiillada oo ay muddoba diiddanaayeen.

Kulan ballaadhan oo shalay Galinkii hore ka qabsoomay Guriga uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka degan yahay caasimadda Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirrada Gobolka Awdal ugu jira xukuumadda Axmed Muumin Seed iyo Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Guddoomiyayaasha xisbiyada qaranka iyo Madax-dhaqameedka Gobollada Awdal iyo Salal oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, Suldaan Xasan Xaddi Baade, Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Abshir Maxamed Ducaale iyo Madax-dhaqameed kale ayaa ugu dambayn ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Sida ilo-wareedyo xog ogaal ahi Wargeyska Foore u sheegeen, kulankan oo muddoba la sugayay ayaa ujeedadiisu ahayd sidii Madaxtooyada iyo Xisbiyada qaranku ay Madax-dhaqameedka Gobollada Awdal iyo Salal ugu qancin lahaayeen qabsoomidda doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka kana tanaasulaan tan iyo wakhti dambe wax ka baddalka saami qaybsiga kuraasta Baarlamanka oo ay muddoba Beelaha Gobolka Awdal saluug weyn ka qabeen.

Ilo wareedyadani waxa ay noo sheegeen in dood dheer iyo falan qayn kadib natiijadii kulanku noqotay in ay badiba salaadiinta Beelaha Gobollada Awdal iyo Salal diideen heshiiskii xisbiyada iyo madaxtooyada ee ahaa in doorashada sideeda lagu gali illaa inta meel la dhigayo arrinta saami qaybsiga marka laga tago laba Suldaan oo kala ah Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil iyo Suldaan Xasan Xaddi Baade oo sheegay in ay u tanaasulayaan sidii doorashadu u qabsoomi lahayd oo ay waafaqsan yihiin soo jeedinta iyo heshiiska xisbiyada qaranka halka salaadiintii kale oo Suldaan Dhawal hogaaminayaa gaashaanka ku dhufteen in doorashada sidaa lagu galo. Sidaana kulankii ku burburay oo aanay wax natiijo ahi ka soo bixin.

Markii xaaladdu halkaa soo gaadhay waxa xogaha Wargeyska Foore helay noo xaqiijiyeen in Madaxweynuhu kulankaasi soo xidhay iyada oo aan wax is af garad ah laga gaadhin sidaana Salaadiinta Gobollada Awdal iyo Salal ku kala qaybsameen ujeedadii kulanka inkasta oo aqlabiyadoodu si cad u diideen in doorasho la galo illaa saami qaybsiga la dhammaynayo.

Madax-dhaqameedkii kulanka ka soo qayb galay sidaasi ayay isla shalay galinkii dambeba ugu ambabaxeen oo ku gaadheen Magaalada Boorama iyada oo dad door ahi ku soo dhaweeyeen jidka laga galo Magaalada Boorama.

Illaa imika lama oga halka ay xaaladdani salka dhigan doonto iyo in ugu dambayn is afgarad laga gaadhi doono arrinkan oo ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ku gudban qabsoomidda doorashooyinka gaar ahaan tan Golaha Wakiillada, maadaama muddo dheer xaaladda saluuga dhanka saamiga kuraasta Wakiiladu ahaa mid soo taagnayd, xalna aanay Golaha hadda dhisan iyo xukuumadihii kala dambeeyey midna ka gaadhin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here