Hargeysa (Foore)– Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horreysay si rasmiya uga hadashay xidhiidhka cusub ee ay la yeelanayso xukuumadda waddanka Masar kadib markii uu dhawaan dalka yimid wafti ballaadhan oo ka socda waddankaasi Masar oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo saraakiisha sarsare ee xukuumaddiisa.
Wadanka Masar ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa sidii ay xidhiidh diblumaasiyadeed iyo heshiis cusub ula saxiixan laheyd xukuumadda Somaliland, xilli ay taagan tahay xiisada webiga Nile-ka ee kala dhaxeysa Itoobiya, oo ay Somaliland xidhiidh diblumaasiyadeeda oo sare ka dhaxeeyo wixii ka horreeyey Ra’iisal Wasaaraha wakhtigan maamula dalka Itoobiya oo isagu qaaday jid aanay jeclaysan xukuumadda Somaliland.
Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda Somaliland ayaa sheegay in xidhiidhka cusub ee Masar uu yahay iskaashi labada dhinac dhex-mari doona, kaasi oo kor u qaadaya Dhaqaalaha iyo Ganacsiga labada dhinac.
Liibaan ayaa sheegay in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Masar ay la yeelaneysaa aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin midkii ay hore ula laheyd dowladda Itoobiya, oo iyadu xasaasiyad gaar ah ka qabta xidhiidh xilligan dhex-mara Somaliland iyo Masar.
Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in mowqifka Somaliland ee xiisada webiga Nile-ka uu yahay mid dhex-dhexaadnimo, isla markaana ay dalbanayaan in sida ugu dhakhsaha badan jawi nabadeed ugu furdaamiyaan xiisaddaasi u dhaxeysa dalalka Masar iyo Itoobiya oo labaduba ha laba waddan oo xidhiidh taariikhi ahi u dhaxeeyo Somaliland.
Wuxuuna si gaar ah u xusay in dowladda Masar ay si weyn ugala shaqeyn doonto dadaalada ay Somaliland ugu jirto Ictiraaf raadinta, maadaama ay ka tirsan tahay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka Somaliland ee ka hadlayey arrintan ayaa marnaba si cad u xusin rabitaanka dowladda Masar ee ku aadan in saldhig millateri ka sameysato gudaha Somaliland, iyada oo dhawaan wafdigii Masaarida ee tagay Hargeysa uu arrinkaasi kala hadlay madaxweyne Muuse Biixi.