Hargeysa, July 20, 2020- (Foore)- Shirkadda Telesom Iyo Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Somaliland ayaa si wadajir ah u daahfuray Isticmaalka adeegga Tabsera oo ay Kulliyaddu u dooratay in ay ku gudbiso duruusta tabobarka Macallimiinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Adeegga Tabseera waxay kuliyaddu ku isticmaalaysay muddo 3 bilood ah ee goobaha waxbarashada la joojiyay in la isugu yimaaddo Xannnuunka Karoona fayras darteed. Waxaana muddadaasi kulliyadu ku guuleysatay in ay sii wado tabobarkii u socday macalimiin gaadhaysa 300 oo macalin iyaga oo isticmaalaya Tabsera.
Shirkadda Telesom iyo Kulliyadda Tababarka Macallimiintu waxay ku heshiiyeen in la sii wado wadashaqaynta isticmaalka Tabsera ee Waxbarashada fog oo Macalimiintu ay waxbarashadooda ku qaadan karaan iyaga oo kala joogga gobollada wadanka.
Munaasibad arrintaasi lagu daah-furaayey oo Dorraad Sabtidii lagu qabtay Magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska, Md. Axmed Maxamed Diiriye, Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda Telesom, kana mid ah Boodhka Shirkadda, Mr. Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed), Guddoomiyaha Kulliyadda Tabobarka Macalimiinta Axmed Cali Quulle, Macalimiinta kulliyada ee adeegga Tabsera isticmaalaysay, Xubno ka socday Jaamacadaha & Hay’adaha Waxbarasho ee dalka iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Shirkadda Telesom.
Mudane Cabdiwahaab Maax oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee shirkadda TELESOM oo munaasibadda ka haday isaga oo faahfaahinaya adeegga Tabsera waxa uu yidhi: “Adeegga Tabsera waa adeeg waxbarashada fog ah oo ay shirkadda TELESOM daah-furtay mudadii Koroona Fayrasna aad u soo shaqeeyey. Kulliyadda Tababarka Macallimiinta ayaa kulliyado badan ku tababaraysay. Kulliyaddu adeeggan waxa ay ku soo tababartay illaa 300 oo Macallin oo wakhtigii xaaladda Koroona Fayras waxbarashadoodu kala go’i lahayd balse nasiib wanaag adeeggani u sahlay in ay sii wataan waxbarashadoodii. Adeeggaasi waa sii socon doonaa waxaanay Kulliyaddu u adeegsan doontaa tababarka macallimiintooda meelaha fogfog jooga”.
Guddoomiye ku xigeenka shirkadda TELESOM ahna xubin ka mid ah BOD-ka TELESOM Mudane Maxamuud Xaaji Aadan Axmed oo isna madasha ka hadlay ayaa waxa uu yidhi: “Waa Adeeg ay adeegayaashu ku soo ban dhigan karaan e-box ka ay haystaan. Waxa aanu Platform-kan ku soo dari doonaa Virtual Labs oo aannu ardayda Dugsiyada sare ugu talo galnay oo haddaba diyaar ah. Ardaygu marka loo dhigo uu isticmaali karo. Muuqaallada Fiidhiyowyada ayaa la mid ah oo waxa uu leeyahay adeegyo kale oo Ardayga waxbarashada ka saacidaya. Waxa la is waydiin karaa ujeedo noocee ah ayaan ka lahayn ama siduu ku yimid adeegga Tabsera?. Waa adeeg aanu ugu talo galnay in Mujtamaca wax loogu qabto. Dadku waa wada waalid ubad badan oo arday ah ayaa guri walba innoo joogta. Bahda waxbarashada iyo shirkaddu way wada nool yihiin oo macmiil bay noo yihiin sidaa darteed waa in aan umadda wax ku soo celinaa faa’iido leh. Si loo helo waxbarasho umaddeena wada gaadhi karta min Badhan illaa Lowyacaddo ayaanu u samaynay adeeggan”. Ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka shirkadda TELESOM Md. Maxamuud Xaaji Aadan.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye oo muhiimadda adeeggan ka hadlay waxa uu shirkadda TELESOM ku ammaanay sida ay dalka horumarkiisa uga shaqaynayso iyo in ay hadba soo kordhiso wax umadda iyo dalku u aayo oo qiimo badan. “Waxa uu adeeggani muujinayaa sida aan u hormarnay ee ay shirkadda TELESOM u tallaabsatay. TELESOM markii ay noo sheegtay in ay adeeggan soo kordhisay waxaanu nidhi waa in laga faa’iidaystaa oo Kulliyaddii tababarka Macallimiinta waxaanu u soo jeedinay in ay fursaddaa ka faa’idiaysato” ayuu yidhi Wasiir Diiriye.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Machadka Tababarka Macallimiinta iyo masuuliyiintii kale ee madasha ka hadlay waxa ay iska daba mareen muhiimadda adeeggani u leeyahay qaranka iyaga oo shirkadda TELESOM ku ammaanay hirgalinta adeeggan Tabsera oo qiimo badan dalka u leh.
Halkan Ka Daawo Hadallada Masuuliyiinta: