Hargeysa, July 20, 2020- (Foore)- Waqtigii dhammaadkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre aqoonta dhaqanka iyo guurtida reer Awdal waxay ka taliyeen dariiq lagu horumaray dariiq loo maray guul aan hore loo gaadhin. Dariiq la tilmaansado dariiq loo aayey. Waa dariiqii ayku yagleeleen nabad waartay iyadoo maal mahaa qiiq madoobi ka baxayey hangarradii baabu naas ee kasoo horjeeday fagaaraha weyn ee banaan baxyada lagu qabto oo waqtigan lagu magacaabo khayriyada hase yeeshee aan hore loo odhan jirin.
Abuuritaanka nabaddaasi qofkii u horeeyey ee u geeriyoodaa wuxuu ahaa Cali Faarax Sayax oo dabley ku dishay Berbera. Qabanqaabada shirkii koowaad ee nabadaynta beelaha Somaliland waxa xigay qabsoomidda shirweynihii burco ee Somaliland lagaga dhawaaqay oo reer Awdal ka mid ahaayeen raggii qalinka taariikhiga ah ku saxeexay.
Marar kale waxay sharaf iyo taash dahab ah ku heleen daminta colaaddii Saaxil iyo marti galinta shirweynihii lagu soo dhisay Somaliland ta casriga ah 1993-kii waliba aas aaskii ciidan qaran oo dalkani yeesho ninkii koowaad ee u geeriyooday wuxuu ka yimi gobolkaasi isaga oo ku naf waayey xabbad uu ku riday nin jabhadihii taliska guud ee milatariga ku sugnaa.
Reer Awdal dalkan waysoo hogaamiyeen way kasoo arimiyeen waanay taliyaan ilaa maanta oo waligood marti cid ugamay noqonin maanta iyo dan reer awdal waxa astaan looga dhigay tiro waa hore qaloocatay oo sax noqon doonta waqti waqtiyada ka mid ah laakiin dhalin yaro tiro badan oo aqoonle ixtiraam wayna aan u hayo iyo odayadii tilmaanaa ee reer awdal waxan u sheegayaa in aanay bulshada irbad dhuub ugalinin xildhibaanada aynu soo dooranay sanadkii 2005 tii xataa majirto malcaamad uu hirgaliyey mudane baar lamaan inkasta oo ay ka adagyihiin masaariifta reerahooda mudo 15 sano ah oo aanay taasiba yaryaraysi lahayn haddaba dhamaanteen yeynaan dib u eegin muraayad haada gaadhiga ee aynu eegno xaga hore ee loo socdo doorasho baar lamaan oo aynu tiro koob kula soo baxno codkeenu wuxuu inoo gooyaa way dhici doontaa haba raagtee laakiin taasi yaan lagu mashquulin ee waxad badka soo dhigtaan sidii aad ku heli lahaydeen qayb libaax dawlada dhisan iyo ta iman doonta yeynaan ku indho beelin tiro baarlamaan ee haloo kabo gashado korodh siimo wasiiro wasiir ku xigeeno agaasimeyaal guud maareeye yaal shaqaale dawladeed iyo inaad ku gorgortantaan maxaa ceelal wadooyin dugsiyo iyo mashaariic waxtarle naloo hayaan, dhalin yarooy afxumo waa aqoon daro intiina karaysaa isku daya inaad soo dhaaftaan jufo uurey oo taga hargeysa berbera burco ceerigaabo iyo laascaanood barta dalka iyo dadka majiro reer meel intuu ku shiro ku heshiiyey inuu reero kale dulmo wixii qaloocday qalin ku saxa balanteenu ha noqoto higsi himilo fog iyo aragti ka saraysa sheekada makhaayadaha iyo mafrashyada Allaa mahadle.