Maxay Madaxtooyada Somaliland Ka Tidhi Safarkii Masaarida, Mase Jiraa Dalab Qaahira Saldhig Milatari Kaga Doonayso Xeebaha JSL Wakhti Xiisada Niilku Adag Tahay

0
635

Hargeysa, July 20, 2020- (Foore)- Iyadoo ay sii laba kaclaysay Xiisadda Webiga Niilka ee u dhaxaysa dalalka Masar, Suudaan iyo Itoobiya, ayaa waxa Somaliland booqasho ku yimid dhawaan wefti ballaadhan oo ka socda dawladda waddanka Masar, kuwaas oo kullamo hoose la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa, haseyeeshee aan si rasmi ah loo shaacin illaa imika waxay ka wada haddleen iyo ujeedada dhabta ah ee uu daaranaa Socdaalka weftiga Masaridu ay ku yimaddeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xoggo soo baxaya ayaa sheegay in socdaalka Weftiga Masar ay ku yimaaddeen  Somaliland uu la xidhiidhay xiisada Webig Niilka ee u dhaxaysa dalalka Itoobiya iyo Masar iyada oo xukuumadda Masaaridu Somaliland u aragta qayb muhiim ah oo saamayn ku leh siraaca aha dagaalkan xiisadda Webiga Niilka marka la eego goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo iyo xuduudda ay la leedahay waddanka Itoobiya. Halka ay wararka qaar tibaaxayaan in Dowlada Masar ay qorshaynayso xidhiidh istaraatiiji ah oo ay la yeelato Somaliland maadaama xukuumadda waddanka Soomaaliya iyadu diiday in ay dhinaca Masaarida taageeraan, iyada oo xogaha qaar sheegayaan in haddii ay xiisada webiga Niilka sii kululaato ay Masaaridu doonayaan in ay Somaliland ka yagleelato saldhig Milatari.

Faysal Rooble oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika oo la haddlayey Idaacada BBC-da ayaa arrintaas ka haddlay waxaanu yidhi:  “Waxaynu ka fili karnaa in Somaliland qudheedu xataa aan ictiraaf helin lagu soo daray, wax la yidhaahdo shaxda xasaradaha ka soo unkami kara biyaha Niilka, markaa Masaaridu ay u aragtay inay tahay waax muhiim ah, haddii arrimahaasi ay aad u shidmaan inay Masar Rabto inay Somaliland dhinaceeda soo mariso sida aad ogtahay Muqdisho Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Dowladdiisu aad waxay ugu tolantahay xagga Magaalada Addis Ababa, markaa Somaliland in hadda loo arko iyadana shaxda siyaasadda Afrika inay Masaaridu rabto in wax badan ay kaga soo darto Somaliland socdaalkan ay hadda Masaaridu ku yimaddeen Hargeysana ay arrintaa ku lug leedahay.”ayuu yidhi Faysal Rooble

Dhanka kalene Faysal Rooble ayaa sheegay in aan la garan Karrin waxay Dowlad Itoobiya ay ka yeeli doonto Somaliland, madaama oo ay Somaliland ku gacan saydhay dhawr jeer oo hore arrimo ay wadatay Dowlada Itoobiya “ Waxaan’se la sheegi karayn waxay Itoobiya ay ka yeeli doonto arrimaha Somaliland, keliya waxa inoo cad in dhawr jeer ay Somaliland noqotay,maamulka keliya ee ku gacan saydhay arrimo Itoobiya ay wadatay, markaa waxaad moodaa in Somaliland ay masraxa siyaasadda si xawaare leh xoog leh oo kalsoonina leh ay ugu soo biirayso.” Ayuu yidhi Faysal Rooble oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika

Geesta kalena Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Bile oo wax laga weydiiyey ujeedda socdaalkii ay weftiga Masar ku yimadeen Somaliland iyo khilaafka Dowladaha Masar iyo Itoobiya u dhaxeeya inay Somaliland la safan doonta dhanka Masar iyo in kale ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo isaga oo aad mooddo in uu  waxaanu ku jawaabay sida tan:- “Wasaaradda arrimaha debada weydii, haddii ay Saldhig Milateri tahay wasaaradda Gaashaandhiga weydii, ciddi kale ee ay khusayso weydii.”Ayuu yidhi Agaasime Bile oo u warramay Telefishanka Bulsho.  Dhinaca kale Sheekh Xasan Diheeye oo kamid ah Culimada Somaliland gaar ahaan ku nool Gobolka Awdal ayaa khudbadiisii Jimcihii uu ka jeediyey Masaajid ku yaala Boorama ka sheegay inay weftiga Masar ay Somaliland weydiisteen Saldhig ciidan oo ay kaga duulaan dalka Itoobiya, waxaanu yidhi sidan :”wufuuda Masar ka timi oo Somaliland timi oo ay ciidamo daba socdaan oo la leeyahay Biyo xidheenka Itoobiya meesha keliya ee laga duqayn karaa waa Somaliland , Berbera iyo Saylac labadaba inay fadhiisanayso Masaaridu , Saylac iyo Berbera marka Itoobiya laga duqeeyo Itoobiya maxay kugu samayn , boqol malyan ayaa kugu soo rogmanayaa.”ayuuyidhi Shdiheeye.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here