Haweeneyda aan wacnay oo lagu magacaabo Rabia waxay ku nooshahay galbeedka dalka Afghanistaan, iyada oo qandho dareemeysa ayey la kulantay dhakhtar si uu xanuunka haya uu uga daaweeyo. Dhakhtarkii ay la kulantayna wuxuu ka baadhay Covid-19.
Rabia baadhitaanka kaddib gurigeeda ayey ku laabatay, iyada oo weli xanuun iyo qandho dareemeysa, warqaddii uu dhakhtarku daawada ugu soo qoray ayey seygeeda u dhiibtay si uu daawada warqadda ku qoran uu ugu soo iibiyo. Markii uu seygeedii arkay magaca xaaskiisa oo warqadda daawada ku qoran, wuu cadhooday wuuna dilay isaga oo aad uga xanaaqay “ninka ajnabiga ah” ee ay magaceeda u sheegtay. Dalka Afghanistaan xubnaha qoyska waxay haweenka dalkaasi ku qasbaan inuu magacooda uu marwalba uu sir u ahaado oo ay dadka qoyskooda ka baxsan aanay la wadaagin, xataa dhakhaatiirta. Balse waxaa socda olole arrintaasi lagaga soo horjeedo. Dhibka ay la kulmaan haweenka dalka Afghanistan wuxuu ka soo billaawdaa gabadhu marka ay dhalato. In gabadha magac loo bixiyana sannado badan ayey qaadataa. Gabadha marka la guursado waraaqaha casuumaadda xafladdeeda arooska xataa magaceeda laguma xusayo. Marka ay xanuunsatana looma oggola inay magaceeda u sheegto dhakhtarka ay la kulmayso. Marka ay gabdhu dhimatana magaceeda laguma qoro warqadda caddeynta geerideeda iyo qabrigeeda toona. Waa sababta ay haweenka dalka Afghanistan badankood ay ugu ololeynayaan iney helaan xuquuqda ah iney magacooda si xor ah u isticmaalaan, iyaga oo ololaha halkudhig uga dhigay, “Aaway Magacaygii?”, iyaga oo astaanta ololahooda baraha bulshada si weyn ugu isticmaala. Haweeney kale oo isla gobolka Herat ku nool oo Warbaahinta u warrantay waxay sheegtay, inaanay doonayn in idaacad codkeeda laga baahiyo oo codkeeda la garto.
“Marka uu qof i weydiiyo inaan magacayga u sheego, waxaan ka fikiraa sharafta walaalkeey, aabbahay iyo ninkeyga, markaasaan u diidaa inaan magacayga u sheego” ayey tidhi. “Maxaan qoyskayga uga xanaajinayaa? Maxay tahay muhiimadda aan magacayga u sheegayo?” “Waa inaynu isu aragnaa aabbahay gabadhiisa, walaalkay walaashii. Mustaqbalkana waxaan doonayaa inaan isu arko oorida seygeyga iyo ilma ay hooyadeed dhashay.”
Sheekadani waa mid aragagax leh, balse ma aha mid ka duwan waxa waddankaasi Afganistaan ka dhaca. Haweenka oo magacooda adeegsada ama la wadaaga qof qoyskooda ka baxsan qaybo badan oo dalka Afghanistan ka mid ah wuxuu ka yahay ceeb. Rag badan oo dalka Afghanistan ku nool ma oggola iney meel fagaara ah ka sheegaan magacyada gabdhaha la dhashay, xaasaskooda ama hooyadood iyaga oo u arka iney ceeb tahay. Sharciga dalka Afganistan ayaa oggolaanaya warqadda dhalshada in lagu qoro magaca aabbaha oo keli ah.