Caafimaadka indhuhu waa muhiim waxaana loo baahan yahay in qofku ku dadaalo ilaalinta iyo daryeelka indhihiisa wakhti dunidu la tacaalayso dhibaatada caafimaad ee indhaha oo ay sabab u tahay aaladaha la daawado ee indhaha dhibka ku haya.
Ishu waxay ka sameysan tahay saddex qaybood oo kala ah:
- Qaybta cad ama xaydha cad oo iftiinka ku weecisa xagga hore ee isha.
- Xuubka dambe oo loo yaqaano (Retina), oo ah xuub iftiinka dareema oo ku yaalla xagga dambe ee isha,
- Dareemeyaasha aragga oo loo yaqaano (Optic Nerves), oo ah tiro badan oo ah xadhko isgaadhsiin oo kale ah oo taga dhinaca maskaxda.
Dad badan ayaa leh dhibaatooyin aragga ah oo u baahan inay gashadaan muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha (contact lenses). Waxa jira haddaba Saddex dhibaato oo la xidhiidha dhinaca aragga kuwaasi oo ah kuwa ugu badan waxaanay kala yihiin:
Fogaan Arag
Magaca dhakhaatiirtu u yaqaanaan fogaan araggu waa ‘hypermetropia’. Dadka leh fogaan aragga waxa dhib ku ah aragga waxyaabaha u dhaw. Sababta taa keenaysaa waxa weeye kubbadda isha oo aad u gaaban, taasoo keenaysa in falaadhaha iftiinka ee ku wareegsan walxaha la arko ay gaadhaan xagga dambe ee xuubka isha (Retina) ka hor intaan qaybta cad (Cornea) iyo lensisku qaloocin fallaadhaha iftiinka. Fogaan araggu waxa uu badanaa sii xumaadaa marka aad sii gabowdid, waxa kale oo uu saameyn karaa habka aad u aragtid walxaha fogfog. Dadka leh fogaan arag waxay badanaa u baahan yihiin inay xidhaan muraayado sixid arag sida muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay wax u akhriyaan, u qoraan una qabtaan hawlo faahfaahsan.
Dhawaan Arag
Magaca dhakhaatiirtu u yaqaanaan dhawaan aragga waa ‘Myopia’. Dadka qaba dhawaan aragga waxa dhib ku ah aragga waxyaabaha ka fogfog sababta oo ah kubbadda isha ayaa aad u dheer. Tani waxaa loogu jeedaa in qiyaasta ay isku jiraan qeybta kore ee isha iyo xuubka danbe (retina) ayaa kala dheer. Markii aan shay eegayno, iftiinku wuxuu soo maraa isha wuxuuna gaadhaa xuubka dambe. Haddii qeybta hore ee ishu aad uga fog tahay xuubka danbe iftiinku wuxuu istaagaa qeybta hore ee xuubka danbe intii uu xuubka danbe gabigiisaba iftiimi lahaa, taasoo dhibaateynaya in waxyaabaha fog fog si fiican loo arko.
Dadka qaba dhibaatada dhawaan araggu waxay badanaa u baahan yihiin inay xidhaan muraayado sixid arag ah sida muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay baabuur u wadaan una qabtaan hawlaha shaqo ku leh eegista waxyaabaha fogfog. Dhawaan aragga waxa marmarka qaarkood lagu daaweeyaa qalitaan Laysar ah.
Cawarnaanta
Cawarnaantu (Astigmatism) waa marka isha qaybta caddi aanay si siman u sameysnayn, taasoo keenaysa in iftiinku ku kulmo qaybaha qaarkood ee shay, laakiin aanu dhamaan shayga ku kulmin. Dadka aan wax dhib ah aragga ka qabin qaybta cad ee ishoodu waxay leedahay qaab ah kubbadda koleyga, halka dadka qaba cawarnaan uu qaabka isha qabteeda caddi ay leedahay qaab ah kubbadda rugby-da oo kale waana kubbad sidaa u dhuuqsan ama u yuuban oo aan isku dheelli tirnayn.
Dadka qaba cawarnaanta waxay caadi ahaan u baahan yihiin inay xidhaan muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay u saxaan araggooda.
Arag wax-ka-qabid waxa loo isticmaalaa in lagu tilmaamo dadka indho la’ ama badh ahaan wax arka, ee loolama jeedo dadka qaba fogaan arag ama dhawaan arag. Qofka aragga waxa ka qaba araggii ayaa wax ka lumay ama araggiisii ayaa doorsoomay. Iyadoo ay ku xidhan tahay sida lumidda araggu u daaran tahay, waxa xaaladahan loo yaqaana ‘arag badh ah’ ama indho la’aan.
Arag Badh Ah
Qof leh arag badh ah ama arag si daran u hooseeya waxa uu leeyahay arag si daran u hooseeya laakiin ma indho la’a. Waxa tan uu Ururka Caafimaadka Adduunku ku qeexay (World Health Organisation) qofka aan si cad u arki karin inta farood ee la tusay ee u jira fogaan ah 6 mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha indhaha ama lensis).
Indho La’aan
Qofka indho li’i waxa uu qabaa lumid arag oo aad u daran mana awoodi karo inuu si cad u arko inta farood ee laga tusay fogaan ah saddex mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha indhaha ama lensis). Hase yeeshee, waxa laga yaabaa inuu wali leeyahay xoogaa ah arag ama iftiinka uu dareemi karo.
Ilaalinta Ama Xifdinta Araggaaga (Eye Care)
Waxa muhiim ah baadhitaano indhaha ah oo joogto ah, si looga hortago dhaawac aan loo baahnayn oo ka yimaadda xaalado aan la cillad-sheegin. Waxa muhiim in la cilad-sheego goor hore ilmaha qaba dhibaato aragga ah si looga hortago dhibaatooyin waxbarasho iyo korniin. Dadka sida gaarka ah inay u xifdiyeen indhahooda la rabo, waxaa ka mid ah:
- Ilmaha ka yar 16 sannadood,
- Dadka da’da yar ee ka yar 19 sannadood ee ku jira waxbarasho waqti buuxa ah,
- Dadka lagu sheegay guluukooma (glaucoma) ama cadaadis sare oo indhaha ah (ocular hypertension),
- Dadka ka weyn da’da 40 jirka ee leh qaraabo soke oo lagu sheegay guluukooma (glaucoma),
- Dadka lagu sheegay sonkor ama kaadi-macaan,
- Dadka loo diiwaan galiyay arag badh ah ama indho la’aan,
Waxa kale oo jira dhawr siyaabood oo aad ku yareyn kartid waxyeelo indhaha soo gaadha:
- Si joogto ah araggaaga ha loo baadho – ugu yaraan shantii sannadood mar. Haddii aad sonkor qabtid waa in araggaaga la baadhaa in ka badan inta caadiga ah.
- Indhahaaga ka ilaali qorraxda. Falaadhaha UV (ultra violet) ee qorraxdu waxay dhaawici karaan aragga indhahaaga sidaa daraadeed waxa muhiim ah inaad gashatid muraayado qorrax oo leh badbaadin UV oo sareysa marka aad u baxaysid dibad qorrax badan.
- Soo ogow haddii qoyskaagu taariikh u leeyahay guluukooma (glaucoma) ama cudur indhaha ah. Waa in araggaaga la baadhaa labadii sannadoodba mar haddii aad leedahay qaraabe soke oo lagu sheegay guluukooma (glaucoma).
- La soco isbeddelada xagga aragga indhahaaga. Sida ugu dhakhsaha badan ee suurogalka ah u tag Dhakhtarkaaga Guud (GP) haddii aad isku aragtid isbeddelo xagga aragga ah ama xanuun ah gudaha ama wareegga indhahaaga.
- Jooji sigaar cabbista. Dadka sigaarka cabba ayaa saddex jeer uga badan dadka aan cabbin inay yeeshaan caad indhaha ku sameysma iyadoo sababtu tahay kiimikooyin laga helo qiiqa sigaarka.