Gabbad: Sug sug ha dhameeyee.
Guun: Maxay?
Gabbad: Sug Suldaanku ha dhameeyee.
Guun: Suldaanaa? Allaylehe nin baa kuwaa sutida u qabtay. Gaw! Meel Allaale meel ay mareen? Wallay ka tahay.
Gabbad: Miyaad maqlaysay ninyow? Iga walla inay kaa hadal hayeen baan u malaynayaa.
Guun: Maxay ka hadal hayn ma isagaa danba ka leh. Weligoodba ha hadal hayaan.
Gabbad: Waar imika maxaad la xiiqsantay? Oo adna ma cadhadii Somalilanta taalay baa ku soo gaadhay? ‘ aar gabgab layne laamahaaga iska fuushanow.
Guun: Dee maya….,,,,
Gabbad: ‘ aar maya iyo caliyo layne u kaadso ninyow.
Guun: ‘aar ba’a! Oo adaaba cadhaysane. Bal waayee muxuu Suldaanku yidhi?
Gabbad: Oo miyaad naba sugtay afkuumbaad na goosatee. Waar suldaanku nin jacayl qaaday oo jibooday oo markii dambe ku jabay buu ka sheekaynayay.
Guun: Jacaylaa?Maxaa Jacayl iyo Suldaankana isu keenay?
Gabbad: Waar dhegeyso ilayn suldaanku waa qofe. Jacaylku ma ka mamnuuc baa?
Guun: Yeelkadiisee muxuu yidhi baad tidhi?
Gabbad: Waar ninkaa suldaanka ahi wuxuu ka sheekeeyay nin yar oo gabadh jeclaaday oo aabihii ku yidhi inantaa ii doon.
Guun: Waaaayay?
Gabbad: ka dib odaygii markuu inantii doonay boqol halaad oo yarad ah baa lagu xidhay.
Guun: Waaayay? Waar qaaliaanaydee!
Gabbad: Boqolka halaadna waaba inta uu odaygu leeyahayba.
Guun: Gebigaba? Oo ugama dambaysaba?
Gabbad: Kud ka xiiree. Wallay ka tahay.
Guun:Hayeeee?
Gabbad:Odaygii markuu inankii u taag waayay ayuu boqolkii iyo baarqabkoodiiba yarad kaga bixiyay. Neef kalama hadhin.
Guun: Ma neefna? Tolow yabadh uun ma la siiyay?
Gabbad: Mayee dhaxal wareeg geelaasi. Weliba shisheeyuu u gacan galay.
Guun: Xeradaada Allah bi’i. Hayeee?
Gabbad: Waar waxba yaan ku daaline inankii gabdhii loo keen. Xoolo reerkii waxaan tiro adhiya dhamayn baa ku hadhay. Waxoogaa kaalo ah loo jar. Sanad markuu ka soo wareegay buu gabadhii diray bal inay aabaheed dhawr neef oo geela ka soo hesho.
Guun: Haayo imika xumaddii baa ka jabtay oo runtii baa soo baxdaye. Hayeeee?
Gabbad: Gabadhii aabaheed wuxuu ku yidhi.”Geel la isa siinayaa ma jiro eh caano uun carruurta uga lista inta uu irmaan yahay.” Inanka aabihii baa warkii maqlay.
Guun: Jab ba waaka dambeeyee. Hayeee? Muxuu odhan tolow?
Gabbad: Wax kale ma odhane wuxuu yidhi. “Geelaasi inuu ku nabsiyayo waan garanayay ee caanahaaga iska maal.”
Guun: Markaa muxuu uga socday maahmaahda? Ujeedadii?
Gabbad: Garan maayo ee waxaan maqlayay isagoo leh. “Wallaahi kan aa u codayseen inaanu caanahana oggolayn ee codkaa nabsigiisii baa idin haya.”
Guun: Belo ku degtay. Wallaahi waxbaa ka jira arrintaa. Cid kale hawga sheekayn.
LA SOCO …..