Maxaad Ka Taqaan Da’da Ugu Habboon Ee Lagu Baran Karo Luuqad Qalaad?

0
142

London (Foore)- Halkani waa dugsi xanaano ah oo la yidhaa Spanish Nursery waana subax dayr ah oo mashquul badan, waxaanu dugsigu ku yaal woqooyiga London. Waalidiintu waxay caruurtooda yaryar baryaan sida loo kaxeeyo baaskiillada oo waxay u xidhayaan koofiyadaha iyo koodhadhka. Macalimiinta ayaa caruurta ku salaamaya laabta oo ay ku qabtaan iyo erayo af-Spanish debacsan ah “Buenos días!”.

Inan yar oo garoonka caruurtu ku ciyaarayso joogta ayaa iyadna doonaysa in timaheeda loogu xidho “coleta” oo ah eray af-Spanish ah oo u dhigma “guud weyn”.

“Marka ay da’daa yihiin caruurtu af ma baratee way qabatimaan” ayey tidhi maamulaha iskuulkan Carmen Rampersad.

Waxaanad mooddaa in weedheedaasi soo koobtay sida hawl yaraanta ah ee caruurtan aan waxba dhibayni ugu fiicanyihiin afafka.

.

Caruurtan badankooda, af-Spanish ku waa afka saddexaad ama ka afraad ee ay ku hadlaan. Afafkooda hooyo waxa ka mid ah Croatioan, Hebrew, Korean iyo Dutch.

Bal arintan waxaad barbar dhigtaa kadeedka uu ka muto qofka weyn ee af baranayaa, markaa waxa si fudud loo odhan karaa waxa fiican in yaraan lagu bilaabo barashada afafka.

Laakiin sayniska ayaa si qoto dheer oo kakan u tilmaamaya sida uu yahay xidhiidhka dadka iyo afafka oo muddo dheer soo kobcayey, waxaanu sheegayaa waxyaabo badan oo dhiirri gelin u ah dadka iyaga oo waaweyn baranaya afaf cusub.

Maskaxdaada oo aad si fiican uga shaqaysiiso

.
 

“Marka la weynaado wax waliba ma adkaadaan” ayay tidhi Antonella Sorace oo ah bare koboca afafka ah iyo agaasimaha qaybta afafka ee xarunta Matters ee Jaamacadda Edinburgh.

Daraasad ay sameeyeen cilmi baadheyaal reer Israel ahi ayaa lagu ogaaday in tusaale ahaan dadka waaweyni ay ku fiicnaayeen fahamka naxwaha af male awaal ah oo ay xeerarkaa u adeegsadeen erayo cusb markay ku jireen goobta cilmi baadhistu ka socotay.

Saynisyahannadu waxay is barbar dhigeen saddex kooxood oo kala ah 8 jirro, 12 jirro iyo kuwo qaan gaadhay oo dhalin yaro ah. Kuwa dhalin yarada ahi waxay ka fiicnaadeen labada kooxood ee kale, halka kuwa 12 jirrada ahina ay ka fiicnaadeen caruurtii ka yaryarayd.

.

Arintani waxay taageertay natiijo ka soo baxday daraasad muddo dheer socotay oo ay ka qayb galeen ku dhawaad 2,000 oo qof oo ku sugnaa gobolka Catalan ee Spain oo baranayey af-Ingiriisiga. Waxaana ka soo baxay in dadka iyaga oo waaweyn bilaabay in ay si ka dhakhso badan u barteen afka kuwa iyaga oo yaryar bilaabay.

Awoodda maskaxda qofka dhalinyrada ah

Cilmi baadheyaasha Israel waxay sheegeen in ka qayb galayaashii daraasaddooda ee dhalinyrada ahaa ay u badantahay in ay ka faa’iidaysteen xirfadaha ay ku kasbadeen qaangaadhnimadooda, sida kartidooda xooggan ee istaraatijiyadda xalinta dhibaatooyinka iyo sidoo kale waayo aragnimadooda badan ee afka.

Si kale hadii loo dhigona waxa weeyi in dadka af baranaya ee qaan gaadhka ahi ay markooda horeba naftooda iyo dunidaba wax badan ka ogyihiin oo ay garashadaa u adeegsan karaan in ay ku kasbadaan xog cusub.

Waxay cilmi baadheyaashu ogaadeen in todobaadkiiba saacad wax barasho ahi aanay farqi weyn oo macno leh u samaynayn caruurta shan jirka ah. laakiin nususaace kaliye oo uu la joogo qof afkaa u dhashay ay u fududaynayso caruurta in ay wax ka bartaan qaab dhismeedka afka Mandarin oo ku adag dadka qaangaadhka ah sida shaqallada oo kale.

Si fudud wax u barashada

Dhamaanteen waxaan dhalannaa inaga oo u diyaar ah barashada afafka. Caruurtu marka ay dhashaan waxay maqli karaan dhamaan 600 ee shibbane iyo 200 ee shaqal ee ay ka kooban yihiin afaka dunidu.

.

Sannadka ugu horreeya nolosheena, maskaxdeenu waxay bilowdaa in ay si gaar ah u qabatinto oo ay ula qabsato codadka aan had iyo goor maqalno.

Caruurtu markay dhashaan waxay ku hadaaqaan erayo afkooda hooyo ah oo ay barta is leeyihiin. Xataa caruurtu markay dhashaan oohintoodu waxay u eegtahay afkooda oo waxay isku dayaan in ay u eekaysiiyaan hadalladii ay maqli jireen markay uurka ku jireen.

Arintani waxay muujinaysa in sidoo kale xirfadaha qaarkood ee aynaan u baahnayn aynu iska ilowno. Tusaale ahaan caruurta Japan si fudud ayay ku kala saaraan xarfaha ‘l’ iyo ‘r’ laakiin dadka waaweyn ee Japan way ku adagtahay.

Daraasado kale oo laga sameeyey caruurta la tuuro ama la dayaco ayaa muujiyey in hadii aan sannadaha hore baran weyno sida loo hadlo ay marka dambe inagu adkaato in qofku marka uu koro barto.

.
 

Marka duruuftu kugu khasabto inaad barato

Waxa tusaale loo soo qaatay qoys u guuray dal kale.

Caruutu si dhakhso ah ayay u bartaan afka wadankaa oo aad uga dhakhso badan inta waalidkood ay ku qaadato.

Caruurtu waxay dareemaan baahi degdega oo ay u qabtaan sida ay muhiim ugu tahay noloshooda in ay afka degdeg ugu bartaan si ay saaxiibbo u kasbadaan oo ay sahal bulshada wadankaa ugu dhex geli karaan.

Dhanka kale se waalidkood ayay u badantahay in ay had iyo goor dhex galaan oo isku koobaan dadka ay isku afka yihiin ee sidooda oo kale dalka u soo haajiray.

Daraasad sannadkii 2013 laga sameeyey Ingiriiska oo lagu dersayey dad waaweyn oo bilaabayey barashada af-Talyaaniga ayaa lagu ogaaday in kuwii sii watay barashada ay caawiyeen xidhiidhka ay la leeyihiin ardadya kale iyo macalinku.

“Hadii aad heshid dad aad isku aragti tihiin waxa aad u suurto gal ah in ay arintaasi kugu dhiirrin karto in aad af kale baratid oo aad dhamaantiin wada dadaashaan” ayay tidhi Danijela Trenkic oo ah dhakhtar cilmi nafsiga ah oo ka tirsan jaamacadda York.

“Arintaasina runtii waa muhiim. Sannado badan ayay kugu qaadanaysaa in aad af barato hadii aanay jirin arimo bulsho oo kugu dhiirrinaya oo la ‘aantood ay adagtahay in qofku isku hawlo”. Ayay ku dartay.

Waxbarasho intaad nooshahay ah

Horraantii sannadkan ayaa daraasad ay samaysay jaamacadda MIT oo dhanka internet-ka ay kaga qayb galeen ku dhawaad 670,000 oo qof waxa lagu ogaaday in si qofku u barto naxwaha af-Ingiriisiga sida dadka u dhashay oo kale ay haboontahay in lagu bilaabo barashada afkaa 10 jir maadaama oo marka da’adaa qofku dhaafo awoodiisa barashadu ay is dhinto.

.

Haseyeeshee, daraasaddu waxay sidoo kale muujisay in aan si fiican u baran karno oo afafka xataa afkeena hooyo marka wakhti dheer aan ku qaadano.

Tusaale ahaan waxaynu si fiican u baran karnaa naxwaha afkeena hooyo ilaa 30 jirka.

Arintani waxay taageero u tahay daraasad hore oo kale oo iyadna dhanka internet-ka lagu qaaday oo muujisay in xataa qofku afkiisa hooyo maalin walba eray cusub ka barto ilaa inta uu gaadhayo da’ dhexaad.

Sideedaba maxaynu afafka qalaad u baranaa?

“Dadku waxay mararka qaar is weydiiyaan waa maxay faa’iidada ugu weyn ee af qalaad leeyahay? Ayay tidhi Trenkic.

“Lacag badan miyaan ku heli? Ma xariif baan ku noqon? Ma caafimaad qab baan ka heli?”.

.

”Laakiin run ahaantii, faa’iidada ugu weyn ee ay leedahay af qalaad oo la bartaa waxa weeyi in aad la xidhiidhi karto dad badan” ayay tidhi.

Trenkic oo qudheedu u dhalatay dalka Serbia ayaa waxay si fiican u baratay af-Ingiriisiga markay labaatan jirka ahayd waagaas oo ay Ingiriiska u soo guurtay.

Waxay sheegtay in ay hadana weli mararka qaar khaladaad dhanka naxwaha ah gasho, gaar ahaan marka ay daallantahay ama ay diiqadaysantahay.

Run ahaantii daraasadii MIT waxay ku dartay iyada dadka ugu hadla af-Ingiriisiga sida daka u dhashay oo kale.

Dugsiga Spanish Nursery waxay macalimiintu qaadayaan heeska ‘Cumpleaños feliz’ buugaagta dhinaca kale ku rasaysanna waxa ka mid ah buugga The Gruffalo oo af-Hebrew ah. Maamulaha iskuulka qudheeda ayaa af-Ingiriisiga iyadoo weyn bilowday barashadiisa. Carmen Rampersad waxay ku kortay Romania waxaanay si fiican u baratay af-Ingiriiska markay u soo dhooftay dalkan qiyaastii labaatan jirkeedii. Caruurteeduna waxay haatan Af-Spanish ka ku baranayaan dugsigan xanaanada ah.

Malaha se qofka ugu dadaalka badan ee dhanka afafku waa saygeeda.

Wuxuu u dhashay dalka Trinidad waxaanu af-Romanian ka bartay ehelkeeda oo ku nool meel u dhaw xadka Moldova.

“Af-Romanian ka si fiican buu ugu hadlaa” ayay tidhi “sida dadka reer Moldova oo kale ayuu ugu hadlaa, waa qosol miidhan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here