Khayre Oo Dhuusamareeb Ka Degay Iyo Siciid Deni Oo Isaga Dhoogay Kuna Laabtay Garoowe

0
637

Dhuusamareeb (Foore)– Ra’iisal wasaaraha Dawladda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa galabta gaadhay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dowladda federaalka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi, xilli ilaa saaka ay socotay qaban qaabada soo dhoweynta wafdigaasi.

Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor iyo ka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Safarka uu Kheyre ku tagay Dhuusamareeb ayaa imanaya kadib baaqii ay madaxda maamulladu kasoo saareen shirkoodii, kaasi oo ay madaxda sare ee dalkaasi kaga dalbanayeen kasoo qeyb-galka shirarkaasi.

Kheyre ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxda maamul goboleedyada oo iyaguna ku sugan Dhuusamareeb, oo uu maalmihii u dambeeyay uga socday kulamo gooni gooni ah.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka wada-hadli doona khilaafka la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay xiligeeda ugu dhici laheyd doorashadu.

Socdaalkan uu Galabta Kheyre ku tagay Dhuusamareeb ayaa sidoo kale gogol xaadh u ah, safar uu dhawaan Madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaaladaasi.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa markale marti-gelin doonta shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, iyada oo ay hoos u dhacday xiisaddii xooganeyd ee u kala dhaxeysay madaxda sarre ee dawladooda Federaalka.

Dhinaca kale, madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tegay magaalada Dhuusomareeb isaga oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Deni uu Puntland ugu laabtay si uu uga qeyb-galo aaska ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Deni ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto Dhuusomareeb marka uu soo dhameysto arrimaha uu ugu noqday Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here