Haweenaydii Gaalowday Ee Ayaan Xirsi Oo Weerar Ku Qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar Iyo Sababta Dagaalkooda

0
525

Minneapolis (Foore) – Ayaan Xirsi Cali oo asalkeedu  Soomaali  yahay, ahaydna haweenay hore baxday diinta Islaamka, ayaa weerar ku qaaday islamarkaana cambaareysay hadal ka soo yeedhay Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka, lagana soo doortay Gobolka Minnesota. 

Xildhibaan Ilhaan ayaa shalay goob fagaare ah ka  sheegtay in hannaanka siyaasadda  iyo kan dhaqaale ee Mareykanku u baahan yahay wax ka beddel, sababtana waxay ku sheegtay in ay dad gaar ahi ku intifaacayaan, kuwa laga faa’iidayana aan wax mudnaan ah la siinayn, si ay taasi meesha uga baxdo Ilhaan waxay ku baaqday in wax laga beddelo nidaamkaasi.

“Nidaamka dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee Mareykanka ma ahan mid cadaaalad samaynaya,  wuxuu mudnaanta siiyaan kuwa gaar ah,  wax shaqo ah kuma laha qofka faa’iidaya iyo kan laga faa’iidayo wuxuu u baahan yahay wax ka beddel” ayay tidhi Ilhaan Cumar.

Ayaan Xirsi ayaa siadag naqdiday hadalka  Ilhaan, waxaanna waraysi ay siisay Fox News ku sheegtay in Ilhaan oo ka mid ah wakiilada sharci dejinta Maraykanka in hadal noocaas ah uu ka soo yeedho ay  la yaab ku noqotay, waxaanna ay difaacday in nidaamka Mareykanka aanu u baahnayn in wax laga beddelo sida ay sheegtay Ilhaan, ee uu yahay mid damaanad qaadaya xorriyadda sinaanta iyo cadaaladda.

“Maxay uga soo qaxday Muqdisho.? Maxay uga soo qaxday dowlad la’aan iyo fowdo.? Maxay kaga soo qaxday dulmi, oo ay Maraykanka u timid, haddana ay i doonaysaa in ay Minnesota u beddesho sidii Muqdisho oo kale” Ayeey tidhi Ayaan Xirsi.

Dooddan cusub ee u dhexeysa labada gabdhood ee Soomaalida ah, ayaa waxaa durbaankeeda si wayn u gaaracaya qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, gaar ahaa kuwa siyaasadda midigta, waana arrin si gaar ah ay u farxad galineyso dhinacyo kala duwan oo ay colaad siyaasadeed  kala dhexeyso Ilhaan Cumar.

Kooxaha siyaasadda midigta iyo Yahuudda ee Mareykanka ayaa beegsanaya Ilhaan Cumar, waxaana hadda muuqata inay u adeegsanayaan gabadh kale oo Soomaali ah. Ilhaan ayaa cadaawad kala kulmaysa Jihooyin kala duwan kadib markii ay abuurtay siyaasaddeeda ku dhisan Yahuud naceybka.

Hoos ka daawo wareysiga Ayaan ee Fox News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here