Wali Ma Maqashay Qisada Kumannaan Kun Oo Qof Oo Inta Ay Geeriyoodeen Haddana Ilaahay Dib U Soo Nooleeyey?!!

0
1070

Waxa Ilaahay quraankiisa ku sheegay, gaar ahaan suuratu Al-baqaraha, dad tiradoodu kumannaan ay yihiin oo dhimasho ka cararay kadibna Ilaahay ku xukamay inay hal mar wada dhintaan.

Qoomkan ayaa ka mid ahaa reer bani Israa’iil waxaanay dagaanaayeen magaalo la yidhaa Daawardaan, waxa tiradooda ugu yar lagu sheegay afar kun oo qof, waxaanay ka carareen cudur la kala qaado oo magaaladooda ka dillaacay sida cudurka Daacuunka oo kale.

Waxay ka carareen qadartii Ilaahay iyagoo raadinaya magaalo aan lagu dhimanayn, kadibna Ilaahay ayaa dilay hal mar waxayna naftu uga baxday sidii hal qof oo kaliya.

Waxa la sheegaa in qoomkan ay yimaadeen meel dooxa ah, kadibna laba malag ay kaga qayliyeen labada dhinac, sidaasna ay ku dhinteen. Muddo markii ay kasoo wareegtay oo lafahoodiina ay baaliyoobeen ayaa Nabi kamida nabiyadii reer bani Israa’iil oo lagu sheegay inuu ahaa nabi Xasqiil ayaa soo maray toggii lafahoodu yaalleen, markaasuu Ilaahay baryay inuu dib usoo nooleeyo, kadibna Ilaahbaa ka aqbalay ducadii wayna noolaadeen, iyadoo lafahoodii ay isku yimaadeen, kadibna seedihihii iyo haragii ayaa fuulay, kadibna ruuxdii ayaa lagu afuufay, wayna noolaadeen.

Ilaahay aayad Qur’aan ah waxa uu ku yidhi: “Ma aragtay kuwii ka baxay guryahoodii iyagoo kumanaana kana digtoon geeri ee Ilaahayna ku yidhi dhinta markaana Ilaahay nooleeyay. Ilaahay deeq ayuu ku kor leeyahay dadka balse dad badani uma mahadnaqaan” [243] Suuratul Al Baqrah.

Dabcan qoomkan sharcigoodu wuxuu ahaa inaanay ka cararin meesha uu ka dillaaco cudur la kala qaadaa, si aanay magaalooyin kale ugu gudbinin cudurkaas. Sharcigaasina maaha mid la nasakhay ee inagaba waa la ina faray oo rasuulkii Ilaahay (SCW) wuxuu yidhi: Nabigeenii Mudnaa waxa laga wariyay inuu yidhi: hadii aad ku maqashaan daacuun dhul ha galina, hadii uu ka dhaco dhulna idinkoo jooga haka bixina. Xikmadda ku jirta in la karantiimeeyo dadka qaba cudurrada saf mareenka ah waa in bulshada inta kale laga ilaaliyo inuu ku fido, waana arrinta maanta ay gaaladu ku amaaneen nabigeena Muxamed (SCW).

Xaqiiqo ahaan waa qiso layaab leh oo Ilaahay SWT qur’aankeenna innooga warramay si aan ugu cibri qaadano waana qisooyinka mudan in dadku aad u fahmaan macnaha ay xambaarsan tahay si aynu ugu waano qaadano.

Qalinka: Cabdicasiis Oogle 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here