Sidee Loo Dilay Wiilkii Rasuulkeenu Awawga U Ahaa Ee Xuseen Binu Cali, Yaa Dilay, Halkuuse Ku Dambeeyey Ninkii Dilay?!

0
1126

Markii ay dileen dhamaan ciidankiisii waxa soo hadhay Xuseen ibnu Cali oo ahaa wiilkii ay dhashay inantii Rasuulka ee Faadima bintu Muxamed (scw), wayna ku dhiirran waayeen inay isaga dilaan hase ahaatee habaarqabihii Shamir ibnu Dii Yazin ayaa yidhi: Ninka dila! Markaasuu Zurca ibnu Shariik seef kaga dhuftay Xuseen garbka, kadibna habaarqabe Sanaan ibnu Anas ayaa waran  ka taagay Xuseen waanu dhacay Xuseen kolkaasuu madaxa kaga gooyey, waxa kale oo la yidhi odaygii habaarka qabay ee Shamir ibnu dii Yazin ayaa madaxa ka gooye saxaabigii Rasuulkii Ilaahay ee madaxda u ahaa dhalinta Jannada. Xuseen maalintaas waxa lala dilay 72 of oo ay ku jiraan 17 ehelka baytka nabiga ahaa, waxayna kala ahaayeen: Caruurtii Cali ibnu Abudaalib: Xuseen ibnu Cali, Jacfar ibnu Cali, Cabbaas ibnu Cali, Muxamed ibnu Cali, Muxamed ibnu Cali, Cusmaan ibnu Cali, Abubakar ibnu Cali,

Caruurtii Xuseen ibnu Cali oo kala ahaa: Cali al-akbar iyo Cabdilaahi ibnu Xuseen.

Caruurtii Xasan ibnu Cali oo kala ahaa: Cabdilaahi, Qaasim, iyo Abubakar.

Caruurtii Cabdilaahi ibnu Jacfar ibnu Abudaalib oo kala ahaa: Cawn iyo Muxamed

Caruurtii Caqiil ibnu Abudaalib oo kala ahaa: Jacfar, Cabdilahi, Cabdiraxmaan iyo Muslim.

Caruurtii Muslim ibnu Caqiil oo kala ahaa: Cabdilaahi, iyo Muxamed ibnu Saciid ibnu Caqiil.

Halkaa nimankii reer Kuufana waxa ka dhintay 88 nin, waxaana lagu aasay maydkii Karbala, lamana garanayo sida xaqiiqda ah xabaashii Xuseen ibnu Cali. Madaxii Xuseen waxa qaatay nin la dhaho Khawla, wuxuuna doonayey inuu hadyad kaga qaato badhasaabka Cubaydilaahi ibnu Ziyaad, wuxuuna la tagay gurigiisa, hase ahaatee xaaskiisii oo jeclayd ehelka baytka nabiga ayaa ka dayrisay ficilkiisa, waxayna tidhi: waxa guriga iftiimiyey nuurka afka madaxii Xuseen ibnu Cali Ilaahay raali haka ahaadee. Subaxii ayaa madaxii loo geeyey Cubaydilaahi ibnu Ziyaad wuxuuna afka ka taagay qori isagoo ku mudaya, markaa goobta waxa joogay Anas ibnu Maalik ilaahay raali haka ahaadee oo aan awood u lahayn inuu difaaco Xuseen wuxuuna ku yidhi ninkii Cubaydilaahi: “Meesha aad qoriga ka taagayso waxaan arkay Rasuulkii Ilaahay oo dhunkanaya oo qoslaya”

Yaa Ka Danbeeyey Dilkii Xuseen Ibnu Cali (RC)?

Muslimiinta ehlu alsunnah waxay rumaysanyihiin dadkii ka danbeeyey dilkii Xuseen waa kuwii dagaalka ka qaybgalay, kuwii soo qorsheeyey, kuwii faray in la dilo iyo kuwii intay u yeedheen oo u ballan qaadeen inay difaacayaan khiyaameeyey ee garabkiisa ka baxay oo ah reer Kuufa. Ragga madaxda ah ee ka danbaysana waa Cubaydillaahi ibnu Ziyaad, Shamir ibnu dii Yazin, Sanaan ibnu Anas, Cumar ibnu Sacad, Zurcah ibnu Shariik iyo qaar kale oo kamid ahaa reer Kuufa. Sidoo kale Shiicadu waxay qabaan in dadkii dilay Xuseen ay ahaayeen shiicadii reer Kuufa ee hoojiyey ehelkii baytka, haddaba iminka maxaa keenay in shiicadii ayagu asal ahaan ka danbeeyey dilkii Xuseen hadii cid loo tiirinaayo inay calamo samaystaan oo ay ku qoraan Xuseen ayaan usoo aargudaynaa, oo loogasoo aargudayaa Sunniyiinta!! Bal aynu fiirino waxa ugu qoran Shiicada kutubtoda. Xuseen wuxuu dhahay: “Ilaahow nakala xukun annaga iyo qoom intay noo yeedheen si ay noogu gargaaraan hadana na dilay” [Waxay kusoo aroortay kitaabka Muntahaa Al-amaal/1535]. Taariikhyahnka Shiicada ee la dhaho Xuseen Axmed Albarraaqi wuxuu yidhi: Qazwiini wuxuu dhahay: “Waxyaalaha aan ugu cadhaysanahay reer Kuufa waa inay waran ka taageen Xasan ibnu Cali, ayna dileen Xuseen calayhi salaam, kadib markii ay u yeedheen” [Waxay kusoo aroortay kitaabka Taariikhda Kuufa bogga 113]

Culumada Shiicadu waxa kasoo wariyeen Cali ibnu Xuseen (Zaynil caabidiin), inuu dhahay isagoo canaanaya shiicadii aabihii khiyaameeye, kadibna dilay: “Dadyahow Ilaahbaan idinku dhaaryee ma ogtihidin inaad aabahay usoo qorteen kadibna aad khiyaamayseen, aadna siiseen ballamo iyo axdiyo iyo baycadaba dabadeedna aad disheen oo aad hoojiseen, ee hoogbaa u sugnaaday wixii aad u hormarsateen naftiina iyo xumaanta aragtidiina, bal il noocee ah ayaad ku eegaysaan Rasuulka Ilaahay (scw) markuu idinku dhaho: “Waxaad disheen qoyskaygii, waxaydaan ku xadgudubteen xurmadaydii, kamana mid tihidin umadayda” [Waxa lagu sheegay arrintaasna kitaabka Dabrasi ee Al-ixtijaaj, (2/32) iyo kitaabka Ibnu Daawuus ee Malhuufka bogga 92 aad]

Waxa kale oo uu dhahay Cali ibnu Xuseen markuu arkay ayagii oo barooranaya: “Waad barooranaysaan, oo u ooyeysaan annaga daraadayo, oo yaa na dilay annaga?” [Kitaabka Malhufka bogga 86]

Ciidankii uu hogaaminayey Mukhtaar ibnu Cubaydillaahi Althaqafi oo ahaa beenaale Mukhtaar oo sheegtay nabinimo sida Ibnu Kathiir ku sheegay kitaabkiisa Albidaayah walnihaayah, waxay la baxeen ciidankii toobadkeenka (Jayshu al tawaabiin), bal is waydii maxay ka toobad keenayeen? Waxay ahaayeen Shiicadii reer Kuufa ee ka danbeeyey dilkii Xuseen oo ka toobad keenayey dilkii Xuseen siday hadlka ayagu udhigeen.

Cidhib-danbeedkii kuwii dilay Xuseen ibnu Cali RC

Khawle wuxuu ahaa ninkii qaaday madaxii Xuseen ibnu Cali ee la tagay gurigiisa, waxa isaga u yimid ciidankii Mukhtaar beenaale oo isu xil saaray inuu ka aargoosto dadkii ka danbeeyey dilkii Xuseen Ilaahay raali haka ahaadee. Dabadeena gurigiisa ayaa loogu yimid, markaasay xaaskiisii oo u cadhaysnayd ay tustay ciidankii waana la qabtay oo la dilay oo maydkiisiina way gubeen wal ciyaadu billaah, wuxuuna dhintay isagooo aan cid ibnu aadam ah ka naxaynin.

Sanaan ibnu Anas oo qoorta ka gooyey Xuseen isagana waxa qabtay ciidankii Abacmar wayna qabteen oo gawraceen siduu u gawracay Xuseen ibnu Cali. Cumar ibnu Sacad isagana waxa qabtay ciidankii Mukhtaar waana la dilay.

Shamir ibnu dii Yazizn odaygii macangaga ahaa isagana waa la qabtay oo waxa loo dilay sida ugu xun. Cubaydillaahi ibnu Ziyaad oo ahaa madaxii ka danbeeyey dilkii Xuseen isagana waxa la qabtay maalintii Caashuuraa ee sanadkii 67 aad ee hijriyada, waxa qabtay ibnu Al-ashtar waanu gawracay wuxuuna madixiisii u diray Mukhtaarkii beenalaha ahaa, isaguna madixiisii iyo madaxyadii dadkii uu leeyay ayuu saaray meel, kadibna madaxii Cubadydillahi ibnu Ziyaad waxa kasoo baxay mas marna galaya afkiisa, kana soo baxaya sankiisa, maadaama uu madaxii Xuseen afka uu ka taagay qor, waxa loogu badalay in mas isagana kasoo baxo sankiisa iyo afkiisaba.

Gabogabo:

Sidaas ayaa Ilaahay uga aargoostay dadkii ka danbeeyey dilkii saxaabigii Rasuulka ee ahaan wiilkii uu nabigu awowga u ahaa. Waxa jirta riwaayado sheegaysa in dumarkii Xuseen iyo walaashii si xun loola dhaqmay, hase ahaatee riwaayadahaasi waa daciif, manaysan ansixin.

Dhanka kale Yaziid ibnu Mucaawiya oo ahaa khaliifkii xilligaas waxa lasoo arooriyey inuu dhahay: Ilaahay ha lacnado ibnu Murjaana oo ahaa Cubaydillaahi ibnu Ziyaad, ilaahbaan ku dhaartee anigu hadaan ahaan lahaa waan cafiyi lahaa, ilaahayna ha u naxariisto Xuseen. Wxuuna Yaziid sii dhoweeyey Cali ibnu Xuseen iyo ehelkiisii waanu karaameeyey, waxayna aadeen magaalada Madiina.

Sidee u qaabilnaa musiibo markay timaado?

Maalinta Caashuuraa waxa Shiicadu u xafladaystaan dilkii Xuseen, waxaana goobtaas ka baroorta dumarka ayagoo jeexjeexaya maryahooda, garaacayana dhabandooda iyo laabahooda, sidoo kalena waxay isla dhacaan seefo ay ku dhaawacayaan jidhkooda oo dhiig badan ay ka keenaan jidhkooda.

Markaa waxa is waydiin leh maxaa musiibadaas Muslimiinta dhamaantood asiibtay looga dhigayaa xaflada? Ayadoo Xuseen dad ka fadli badan ay geeriyoodeen ama la dilayba sida walaalkii Xasan ibnu Cali, Aabihii Cali ibnu Abudaalib, awoowgii Xamze ibnu Cabdialmudallib, sidoo kalena waxa la dilay nabiyo sida nabi Yaxye, iyo nabi Zakariye ilaahay nabadgalyo korkooda hayeelee. Baroorta iyo in jidhka la garaaco waa ku xaaraan diinta Islaamka.

Qalinka: Sheekh Cabdicasiis Oogle 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here