Cimiladu aadbay u kuluushahay dalka Australia, wuxuuna dab ka kacaa kaymaha dalkaasi isaga oo sannadihii ugu dambeeyey la xasuusto dhibta weyn ee uu u gaystay dabkaasi keymaha dalkan, dabkaas oo gubay meelo badan oo dalka kamida. Ugu yaraan 28 qof ayaa ku naf waayay dabkaas, gobolka South Wales oo kaliya waxaana ku burburay 3000 oo guri halka ay sannadihii dabkani ka kacayay waddankaasi ay ku baaba’een dhul aad u badan oo keymo ah.
Maxaa sababay haddaba dabka ka kaca inta badan kaymaha Australia?. Dad badan waxay sheegayaan in sababaha keena dabkaasi ay tahay cimilada oo isbadashay, jawiga oo aad u kulul, danabyo ku dhaca kaymaha, sidoo kale dawladda Australi ayaa ku eedaysay in dadka laftigoodu ay sababaan gubashada kaymaha iyo in dabku sii fidaba, ayadoo arrintaana dad badan loo xidhay. Si kastaba ha ahaatee, cilmi baadhis cusub ayaa tibaaxday in shinbiraha qaarkood ay sababaan fidinta dabka. Shinbirahan ayaa afkooda iyo lugahooda kusoo qaada dhuxul ama laan gubanaysa, waxayna ku tuuraan dhul banaan oo aanu dabku soo gaadhin, taasoo macnaheedu tahay in shinbirahani ka qayb qaataan fiditaanka dabka. Shinbirahan waxa ka mid ah midka ugu caansan loo yaqaanaa magaca Kite iyo Falcon kuwaasoo luuqaadda af carbeedkana loo yaqaano (الحدأة) ama Yili.
Qof goobe ah ayaa waxa uu warbaahinta Australia u sheegay sidan: Waxaan arkay shinbirta oo ul gubanaysa kusoo qaaday ciddiyaheeda kuna tuurtay meel aan dabku soo gaadhin, si ay u eryato ugaadheeda. Su’aasha la is waydiinayo ayaa ah; shinbirahan ma ogyihiin waxay samaynayaan, Mise warba uma hayaan?
Cilmi baadhayaashu waxay yidhaahdeen: marka laga duulo dadkii goobjooga ahaa wixii ay arkeen, shinbirahani way u badheedheen inay dabka fidiyaan ayagoo og oo garanaya. Iskusoo wada duuboo shinbirta haadka ama Yilida loo yaqaano waa shimbir aadamaha dhib ku haysa taasoo ay haboon tahay in laga hortago dhibaatooyinkeeda. Ma ogtahay haddaba in shinbirtan Nabigeennii Mudnaa NNKHA uu innooga warramay 1400 oo sanadood kahor?
Rasuulkii Ilaahay (SCW) waxa laga soo wariyay xadiis saxiixa oo ku yaala saxiixa Muslimka inuu yidhi: Waxa lagasoo wariyay Caasha oo ahayd xaaskii nabiga (SCW) inay tidhi: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay oo leh: “Afar ayaa dhamaantood ah faasiqiin oo la dilayaa xilliga xurmada iyo xalaasha (Makkah iyo dabadeedaba): Yilida/Haadka (shinbir galaydhka u eeg), Tukaha, Jiirka iyo Eyga dad-cunka Noqda” [Saxiix Muslim: 1198]. Shinbirkii Yilida ama haadka ee Nabigii Ilaahay (SCW) amray in la dili karo, waxa maanta caddaatay xikmad kamida sababaha loo dilayo shinbirkaas. Waana mucjiso Nabigii Ilaahay uu ka warramay muddo laga joogo afar iyo toban oo Qarni.
Qalinka: Sheekh Cabdicasiis Oogle