Dawladda Shiinaha Oo Mar Kale Ka Qaylisay Xidhiidhka Dhex Maray Somaliland Iyo Taiwan

0
637

Beijing, July 13, 2020- (Foore)- Xukuumadda Waddanka Shiinaha ayaa mar kale dhawaaq culusi ka soo baxay kaasi oo ay kaga qaylinayso xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee dhawaan dhex maray Somaliland iyo Taiwan isaga oo xidhiidhkaasi ku tilmaamay mid saamayn xun ku yeelan doona wax uu ugu yeedhay Midnimada soomaaliya oo uu sheegay in uu wiiqayo shiinuhuna aanu marnaba xidhiidhkaasi aqbalayn.

Wasaaradda Khaarajiga Dawladda Shiinaha oo u muuqata mid uu ka dagi waayay xidhiidhkaasi ayaa markale ka hadashay xidhiidhka iyo heshiiska cusub ee dhawaan ay kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Taiwan, kaasi oo si weyn uga cadhayysiiyay xukuumadda Beijing.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha, Zhao Lijian ayaa Taiwan ku eedeeyay inay wiiqeyso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, maadama ay xidhiidh toos ah la sameysatay Somaliland oo aan wali haysan aqoonsi caalami ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinuhu Mr. Zhao Lijian oo hadalkiisu u muuqday mid hanjabaad ah aadna uga xun xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan waxa uu sheegay in dalkiisu sii wadayo xidhiidhka uu la leeyahay dawladda Soomaaliya oo ay dhinac uga soo wada jeedsan doonaan sida uu hadalka u dhigay wax kasta oo xad-gudub ku ah diblomaasiyadda sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenkan ayaa markale ku celiyay siday ay dowladda Shiinuhu uga soo horjeedo xidhiidhkaasi cusub, isagoona sheegay inaanay marnaba raali ka aheyn xafiis rasmi ah ama wax xidhiidh is-dhaafsi dawladnimo oo dhex-mara Taiwan iyo Somaliland. Inkasta oo aan la ogayn waxa ay hanjabaaddaasi ka baddali karto maadaama aanu Shiinuhu gacanta ku hayn Taiwan oo ay tahay dal madax bannaan oo dawladdiisa iyo ciidankiisa leh.

Hadalkan cusub ee ka soo baxay dawladda Shiinaha ayaa u muuqda mid ina tusaya sida dalkaasi ay ugu wayn tahay xaaladdan cusub iyo xidhiidhkan dhawaan dhex maray Magaalooyinka Hargeysa iyo Taipie waxaanu qaddar nafaxaad u yahay dawladda taagta daran ee Soomaaliya oo Shiinaha mar walba kala hadlaysay xaaladdan cusub tan iyo markii Madaxweynaha dawladda Muqdisho uu safiirka Shiinaha ee Soomaaliya kala hadlay arrintan Heshiiska cusub ee Somaliland iyo Taiwan.

Shiinaha ayaa cadaadiska diblumaasiyadeed ku haya madax-banaanida waddanka Taiwan, balse illaa imika waxa dalkaasi aqoonsan in ka badan 15 waddan oo dhammaantood aqoonsi rasmi ah siiyay jasiiradda Taiwan waxaana xidhiidhka Somaliland dalkaasi la yeelatay lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay Somaliland wax weyn ka faa’iidi doonto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here