Hargeysa, July 13, 2020- (Foore)- Hoggaanka saddexda Xisbi Qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa shalay qasriga Madaxtooyadda ku kala saxeexday heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee sannadka 2020-ka.
Heshiiska rasmiga ah ee ay Xisbiyada Qaranka Somaliland ka gaadheen qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay Wargeyska Foore ayaa waxa si wada jir ah u saxeexay Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyayaasha xisbiyada UCID, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal iyo WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu u dhigaanaa sidatan :
Hordhac
– Markii ay aqoonsadeen Xisbiyadu muhiimadda ay leeyhiin doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland
– Markii ay garwaaqsadeen Xisbiyadu caqabadaha horyaalla hannaanka qabsoomidda doorashada ee xilligan.
– Markii ay yaqiinsadeen ka go’naanshaha Xisbiyada Qaranka ee ah in si wada-jir ah looga gudbo heshiis la’aanta iyo in la gaadho heshiis loo dhan yahay oo lagu qabto doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Golaha Wakiilada, kuna dhaca si nabad, xor iyo xalaal ah sannadka 2020.
Sidaa darteed, Saddexda Xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID & WADDANI waxa ay ku heshiyeen qoddobadan soo socda.
Qoddobka 1aad
Nuxurka Heshiiska
- Heshiisku waxa uu beddelayaa heshiiskii Xisbiyada Qaranka ee ku taariikhaysnaa 27-ka February2020-ka ee ay saxeexeen Madaxweynaha JSL iyo labada Guddoomiye Xisbi ee UCID iyo WADDANI, isla markaana ay beesha caalamku goob-joogga ka ahayd.
- Ujeeddada Heshiisku waa in la dejiyo hannaan wada-shaqayneed oo ay yeeshaan dhammaan dhinacyadu oo ay ka mid yihiin nidaamka xalinta khilaafaadka, si loo qabto doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee sannadka 2020.
Qoddobka 2aad
Guddida Doorashooyinka Qaranka
- Guddida Doorashooyinka Qaranku waxa ay leeyihiin awoodda sharci ee qabashada doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada, si waafaqsan Xeerka iyo Qawaaniinta Doorashooyinka dalka ee jira sida:
- a) Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka & Madaxtooyada Xeer Lr 20/2001-kii, oo uu weheliyo kaabsidii iyo wax ka baddelkii lagu sameeyey2011-kii
- b) Xeerka doorashooyinka Wakiilada, Xeer Lr 20/2005-kii
- c) Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha,Xeer Lr 37/2007-kii , oo uu weheliyo kaabistii iyo wax ka beddelkii lagu sameeyey 2014-kii, iyo 2016-kii
- d) Wax ka baddelka iyo kaabista Xeerka ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka Xeer Lr23/2019-kii
- e) Xeerka Anshaxa Axsaabta Qaranka 2017-kii
- f) Xeerka Anshaxa Saxaafadda 2017-kii
- Guddida Doorashooyinka Qaranku waxa ay si buuxda ugu madax-bannaan yihiin gudashada howlahooda iyo dhismahoodaba.
Qoddobka 3aad
Xubnaha Farsamada Doorashooyinka
- Xubnaha Farsamada Doorashooyinka (Technical Election Unit–TEU) waxa ay ka koobnaan doonaan 3dii xubnood ee ka socday Beesha Caalamka iyo ciddii kale ee loo baahdo.
- Doorka Xubnaha Farsamada Doorashooyinkku { TEU} waxa ay noqonayaandoor la talineed iyaga oo fulinaya hadba wixii ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku u igmadaan.
Qoddobka 4aad
Jadwalka Waqtiga Doorashada
- Saddexda Xisbi Qaran waxa ay ku heshiiyeen in Komishinka Doorashooyinka Qaranka ay ku soo diyaariyaan jadwalka waqtiga doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada muddo ku siman 14 cisho gudahood, iyaga oo tixgelinaya in doorashooyinku ay ku qabsoomaan sannadkan2020-ka
Qoddobka 5aad
Kuraasta Golaha Wakiilada
- Iyada oo la tixgelinayo baahida Qaranku u qabo qabsoomidda doorashada muddo –dhaafka ah ee Golaha Wakiilada, Saddexda Xisbi Qaran waxa ay isku waafaqeen in kuraasta Gobollada ee Golaha Wakiilada doorashadan soo socota ay noqdaan sidii lagu galay doorashadii Golaha Wakiilada ee 2005-kii
- Saddexda Xisbi Qaran,waxa ay isku waafaqeen kuna adkaynayaan Xukuumadda in doorashadan Golaha Wakiilada, kadib tiro koob guud oo Qaran dalka laga sameeyo (National Census ) sida ugu dhakhsaha badan.
Qoddobka 6aad
Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada
- Saddexda Xisbi Qaran iyaga oo tixgelinaya baahida loo qabo qabsoomidda doorashooyinka waxa ay isku waafaqeen in Doorashada Golaha Wakiilada ee socota lagu galo xeerkii dhaqangalka ahaa ee Golaha Wakiilada Xeer Lr20/2005-kii
Qoddobka 7aad
Xallinta Khilaafaadka
- Khilaaf kasta oo ka yimaada ama la xidhiidha Heshiiska ama wax ka baddelkiisa ama fasiraaddiisa waxaa ka gar-naqaysa xalna ka gaadhaysa Maxkamadda Sare muddo 14 cisho gudahood ah, go’aanka ay gaadho Maxkamadda Sarre waa go’aan kama dambays ah, waxa uuna waajib ku yahay fulintiisu dhinacyada, iyaga oo aan lahayn wax xuquuq rafcaan ah.
Qoddobka 8aad
Fasiraadda &Dhaqan-galka Heshiiska
- Heshiiskan waxa loo fasirayaa loona fulinayaa si waafaqsan Xeerarka Somaliland
- Heshiiskan waxa uu dhaqan-gelayaa marka ay dhinacyadu saxeexaan.
- Luuqadda rasmiga ag ee Heshiiskani waa Af-soomaali.
Dhammaad