Mumbai, July 12, 2020- (Foore)- Amitabh Bachchan, oo Soomaalida aflaanta Hindiga daawataa ay u yaqaanaan Gacmadheere ama Cali Dheere ayaa laga helay Fayraska Korona sida uu ku sheegay bartiisa Twitter-ka ee ay malaayiinta qof ku taxan yihiin.
“Waxaa la iga helay Covid-19, Cisbitaal ayaan ku jiraa. Qoyskeyga iyo shaqaalaha ayaa baadhitaan lagu sameeyay, natiijadooda ayaana la sugayaa,” ayuu ku qoray Twitter-kiisa.
Wiilkiisa Abhishek, oo isna jilaa ah, ayaa markii dambe sheegay in qudhiisa laga helay cudurka.
Bachchan oo 77 jir ah ayaa ka qeyb qaatay 200 oo filim tan iyo markii uu jilaaga noqday 50 sanadood ka hor.
Labaduba waxa ay hadda jiifaan cisbitalka Nanavati ee magaalada Mumbai, waxaana uu wiilka sheegay in xaaladoodu ay sahlan tahay. Mid kamid ah mas’uuliyiinta isbitaalkaasi ayaa u sheegay wargeyska Indian Express in xaaladda caafimaad ee jilaayaasha ay degan tahay.
Amitabh Bachchan ayaa ugu baaqay dhammaan dadkii la kulmay 10-kii maalmood ee la soo dhaafay inay iska baaraan Fayraska.
Kumannaan qof ayaa qoraallo duco iyo dhiiragelin ah u diray xiddigahaasi caanka ah Bollywood.
“Gacma Dheere” ayaa kusoo caan baxay aflaam ay kamid yihiin Zanjeer iyo Sholay. Waxa uu ku guulaystay abaalmarinno badan oo ay kamid tahay tan ugu saraysa ee Faransiiska uu siiyo qof rayid ah.

Muddo kooban ayuu siyaasi ahaa, waxaana sannadkii 1984-tii loo doortay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hindiya. Balse waxa uu xilkaasi iska casilay saddex sano kadib markii uu u qaadan waayay fadeexooyinka musuq-maasuq ee hadheeyay xukuumaddii ra’iisal wasaare Rajiv Gandhi.
Bilihii u dambeeyay, waxa uu door muuqda ku lahaa dedaalka ay dowladda Hindiya kula tacaalayso cudurka Covid-19.
Ku dhawaad 821,000 qof ayuu Fayraska Korona ku dhacay dalka Hindiya, waana dalka saddexaad ee ugu kiisaska badan caalamka.